Hooyo Todoba Caruur Ah Isku Mar Dhashey

Image
Image

DIYALI, Ciraaq - Hooyo cusub ayaa caafimaadkeeda fiican yahay kadib markii Todobo caruur ah si caadi ah isku mar u wada dhashey. 

Hooyadaan 25 jirka oo aan magaceeda la shaacin ayaa ku dhashey caruurtaan Isbitaal ku yaal gobolka Diyali  bariga dalka Ciraaq.

Afhayeen u hadlay Isbitaalka ayaa sheegey in Hooyada, Lix gabdhood iyo walaalkood uu caafimaadkooda fiican yahay. 

Caruurta Aabahood Yuusuf Fadi ayaa xusey in isaga iyo xaaskiisu aysan qorsheysan qoys baaxad weyn hadana ay sugeyso koriimada Toban caruur ah. 

Arinkaan mid lamid ah ayaa ka dhacdey dalka Lubnaan maalmo ka hor kadib markii Hooyo ku dhashey Isbitalka la yiraahdo Saint George University Sadex Gabdhood iyo Sadex Wiil. 

Markii ugu horeysay caruur tiro ahaan dhalato aduunka waxay aheyd sanadkii 1997 dalka Mareykanka. 

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM