​ICG oo ka hadashay weerarrada Shabaab ee Somalia

Image

Ururka dabagalka Xasaradaha Caalamiga ah ee Internationla Crisis Group (ICG), ayaa warbixin ay soo saareen waxay kaga hadleen xaalada amaan ee dalka Somalia iyo weerarada kooxda Al-Shabaab fuliyaan.

ICG aya warbixintooda ku tilmaamtay ina gabi ahaanba uu wiiqmay awoodii iyo saanaddii ciidan ee ay la haayeen kooxdaasi, balse ay xoogoodii ku soo ururtay weerarrada qorshaysan oo ay ku beegsanayaan hotellada Muqdishu.

Waxay sheegeen in dhowr hoggaamiye oo miisaan culus lahaa laga dilay kooxda Al-Shabaab bilihii dhowaa, haddana taas aany wiiqin awoodda ay kooxdani u lahayd inay weeraro ka fuliso Somalia, gaar ahaan magaalada Muqdishu.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in kooxdan wali awood u leedahay weeraro ay ka fuliso dalka Soomaaliya.

Ururkan ayaa sidoo kale soo hadal qaaday sababta wali looga guulaysan la'yahay xarakada Shabaab, waxayn tilmaameen inaysan jiri wadashaqayn rasmi ah oo ka dhaxaysa dowladda dhinacyada dagalka kula jira xarakadaasi.

Waxay soo dhaweeyeen dadaalada lagu doonayo in kooxdaasi looga saaro dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Pakistan oo diyaarado dagaal u dirtay Saudi Arabia xili uu fashilmay Wadahadalka Islamabad

Falanqeeyayaasha amniga ayaa rumeysan in u dirista diyaaradahan aysan ahayn mid militari ahaan wax weyn ka beddelaysa awoodda difaaca.

  • Caalamka

    12-04-2026

  • 09:41AM

Mareykanka iyo Iiraan oo ku kala tagay wadahadalladii Islamabad

Madaxweyne ku-xigeenka J.D. Vance ayaa sheegay in Maraykanku uu si daacad…

  • Caalamka

    12-04-2026

  • 02:47AM