Ilaalo ra'iisul wasaare oo loo eryay in uu hub kaga tegay suuli diyaaradeed

Image

LONDON, UK – Booliska Britain ayaa xaqiijiyey in sarkaal laga xayuubiyey howlihii loo idmaday isla markaana baaris lagu sameynayo kadib markii ay soo baxdey in uu qorigiisa kala tegay suuli diyaaradeed.

Sarkaalka ayaa lagu waramayaa in uu xiligaas waardiye u ahaa ra'iisul wasaarihii hore ee Boqortooyadda Ingiriiska, David Cameron.

Bastooladaas oo la tilmaamay in ay ku jireen 24 xabadood ayaa waxaa helay rakaab wax kahor inta aysan diyaarad duulin.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in sarkaalka oo magaciisa la qariyey uu sidoo kale suulida kaga soo tegay baasaboorkii Cameron.

Dhacdadaan ayaa waxay sababtay in ay dib u dhacdo duulimaad habeen ah oo ay sameyneysay diyaaradda British Airways.

Wargeyska afka dheer The Sun ayaa qaar kamid ah rakaabka kasoo xigtay in arrintaan ay dhacday habeenimadii Talaadadii.

Cameron oo ahaa wasiirka koowaad ee UK intii u dhaxeysa 2010-16 ayaa xafiiska baneeyay markii shacabka u coddeeyeen ka bixitaanka Midowga Yurub oo dhaqan-gashay Janaayo, 2020-ka.

Ma ahan markii ugu horeysay oo David Camercon oo ku lug-yeesho dhacdooyin la xiriira suuli. 2012-kii, wuxuu si aan ola kac lahayn kaga soo tegay gabadhiisa sideed-sano jirka ah markii ay kala lumeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM

Ben Gvir: Heshiiska Trump iyo Iran Ma Khuseeyo Israel, ma hoostagno Washington

Wuxuu xusay in Israa'iil bixin doonto jawaab adag oo rogaal-celis ah, hadii gantaallo lagu soo weeraro.

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 12:26PM