Ilhan Cumar oo kamid noqoneysa Congress-ka Mareykanka

Image

Minneapolis - Ilhan Cumar, ayaa ku guuleystay murashax-nimadda Gollaha Sharci dejinta guud ee Mareykanka, ee loo yaqaan Congress, gaara ahaan Kursiga uu baneeyay nin lagu magacaabo Keith Ellison, kaasoo Kursigiisa uu yaalla gobolka Minnesota.

Kursiga Keith Ellison ayaa dhankiisa waxa uu ku guuleystay murashax-nimadda Xeer-illaaliyaha guud ee gobolka Minnesota, oo dadka degan u badan yihiin Soomaaliya, iyo Jaaliyadaha kale ee u badan muslimiinta ee dalka Mareykanka.

Ilhan Cumar, oo 34 jir ah ayaa la hadashay warbaahinta Mareykanka kadib guusheeda waxaana ay sheegtay in guusheeda ay fariin cad u tahay dadka u olaleeya "Islaam Nacaybka oo ay sheegtay inay aad uga nixi doonaan".

Guushan ayaa Ilhan u horseedaysa inay Bisha November ee sanadkan guuleysato kursigan, iyadoo markaasi kamid noqon doonto Congress-ka Mareykanka, taasoo ka dhigan qofkii ugu horeysay oo Soomaali ah oo Gollaha Congress-ka ku biira.

Dhanka kale, Maxamuud Nuur, oo isna ah Muwaadin Soomaali-Mareykanka ah ayaa ku guuleystay Kursigii Ilhan Cumar baneysay ee [60B district], ee Gollaha Sharci-dejinta gobolka Minnesota.

Sidoo kale, Hodan Xasan, oo ah Gabar Soomaali-Mareykanka ah ayaa ku guuleystay kursiga [62A district] ee Gollaha Sharci dejinta Minneapolis, waxaana saddexda qof ay noqdeen kuwa guushooda aad u farxad gelisay jaaliyadda Soomaaliyeed.

Hodan ayaa u mahad-celisay dhamaan dadkii olalaha kala soo qayb-galay, iyo dhamaan inta u codeysay, waxayna u tahay markii ugu horeysay oo ay kamid noqoto Gollaha Sharci dejinta ee gobolka Soomaalida ugu badan degto ee Minnesota.

Ilhan Cumar iyo Hodan Xasan waxay labadooduba ka tirsan yahay Xisbiga Dimuqraadiga ee dalka Mareykanka, waxaana la filayaa in doorashadda guud oo ay ku xaqiijisanayaa kamid noqoshadda Gollayaashaan ay dhacdo bisha November ee 2018.

2016-kii ayay ahayd markii Ilhan ay sameysay taariikh wayn oo ay ku guuleystay Gollaha Sharci dejinta ee gobolka Minnesota, waxaana tan iyo xiligaas sii kordhayay Soomaalida isku soo taageysa xilalka Xilldhibaano iyo Jagooyinka kale ee dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo kordhiyey joogitaankiisa ciidan ee Bariga Dhexe, iyadoo cadaadis lagu saarayo Iran

Warqad ay Iran u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayay ku sheegtay inaysan…

  • Caalamka

    20-02-2026

  • 11:40AM

Trump oo Shirkii ugu horreeyay ee “Board of Peace” ku qabtay Washington 

Trump ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddiga ay ballanqaadeen $7 bilyan oo loogu talagalay dib-u-dhiska Gaza.

  • Caalamka

    19-02-2026

  • 08:30PM