​Imaam Caan ah oo Sacuudiga ku geeriyooday

Image

Kumanaan Sucuudiyaan ah ayaa maanta ka qayb galay aas loo sameeyay ALLAHA u naxariistee Imaankii Masjidka al-Nabawi Sheekh Maxamed Ayuub, kaasoo saaka hiraabtii hore ku geeriyooday magalada Madina.

Sheekhu wuxuu ku dhintay da'da 64 sida ay sheegtay wakaaladda rasmiga ah ee Sacuudiga warka u faafisa. Shiikha ayaana jirin xanuun uu la jiifay.

Maxamed Ayuub, wuxuu ku dhashay magaalada Maka sannadkii 1952-dii, wuxuuna qabtay xilka imaamnimada masjidka Nabawi 1999-kii isagoona hayay muddo 7-sano ah, balse wuxuu kusoo laabtay sannadkii 2015.

Shiikha geeriyooday, waxaa lagu tiriyaa mid kamid ah ragga ugu badiya akhriska Qur'aanka Kariimka, waxaana lagu aasay Qubuuraha loo yaqaano al-Baqiic.

300,000 [Saddex boqol oo kun] oo qof ayaa maanta barahooda Twitterka ku qoray geerida Sheekh Maxamed Ayuub.

Wariyaha caanka ee Sacuudi Carabiya u dhashay ee la yiraahdo Axmed Shaqiiri, ayaa yiri; "Shiikhu wuxuu ahaa astaan caalami ah, si muran la'aan ah".

EEBBE ha u naxariistee Sheekha ayaa ku caanbaxay akhriska ruxa quluubta dhagaystayaasha, gaar ahaan markuu tujinayo salaadda Taraawiixda ee bisha Ramadaan iyo cajaladaha duuban.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka oo joojiyey gargaar cunto oo nafbadbaadin u ahaa malaayiin carruur ah

Cilmibaareyaal caafimaad iyo ururo samafal ayaa uga digay Dowladda…

  • Caalamka

    18-04-2025

  • 06:35AM

Trump oo Xiraya 10 Safaaradood iyo 17 Qunsuliyad, si u dhimo Miisaaniyada Dibadda

Qunsuliyadaha la soo jeediyay in la xiro ayaa inta badan ku yaal Yurub, kuwaasoo ay ku jiraan goobo dalxiis oo ay jecel yihiin Mareykanka.

  • Caalamka

    16-04-2025

  • 09:31AM