Imaaraadka oo soo dhaweeyay heshiiska Ethiopia iyo Eritrea

Image

ABU DHABI - Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka, Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan, ayaa soo dhaweeyay heshiiska ay wada saxiixdeen dowladdaha Ethiopia iyo Eritrea, kaasoo ay kusoo celinayaa cilaaqaadka diblumaasiyadeed.

War saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Wasiirka ayaa lagu tilmaamay talaabadda ay qaadeen hogaamiye-yaasha Ethiopia iyo Eritrea, mid wanaagsan oo loo qaadey dhanka amaanka iyo xasiloonida labada dal, iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Sheikh Abdullah ayaa ku amaanay Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Aby Axmed iyo Madaxweyne Eritrea, Isaias Afewerki, talaabadda taariikhiga ah oo ay qaadeen, isagoo ku tilmaamay "siyaasad xikmadeysan oo dhiiro-gelin leh."

Wuxuu balanqaaday in Imaaraadka uu wali la garab taagan yahay labadda dal taageero dhinac walba oo horey u siin jiray dalalka Gobolka, si gaar ah labadda dal, si loo xoojiyo amaanka iyo barwaaqadda.

"Imaaraadka wuxuu ka caawin doonaa dal walba danahiisa gaarka ah, midda shacabkiisa, iyo midda guud ahaan gobolka dhan," ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibada Imaaraadka.

Ugu dambeyn, Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraadka ayaa sheegay in heshiiska ay kala saxiideen Ethiopia iyo Eritrea, inuu yahay mid sare u qaadaya fursada horumarineed, midka dhaqaalaha, dhaqanka iyo arrimaha bulshadda ee labadda dal.

Shalay oo Isniin ah ayay ahayd markii Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia, uu ku tegay magaaladda Asmara booqasho aan la filayn, ayaa la saxiixday Madaxweyne Isaias Afewerki heshiis ay kusoo afjarayaan colaadda mudada ka badan 20-sano ka dhaxeysay dalalkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM