Imaaraadka oo war kasoo saarey weerar ka dhacay duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Imaaraadka ayaa si kulul u cambaareysay weerar ismiidaamin ah oo shalay ka dhacay inta u dhaxaysa Afgooye iyo Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 4 qof.

War qoraal ah oo ay soo saartey maanta wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka, ayaa tacsi loogu diray qoysaska iyo ehelada ay dhibaatada kasoo gaartey qaraxa ka dhacay Bood Boodka, duleedka Afgooye.

Imaaraadka ayaa sheegay inuu kasoo horjeedo nooc kasta falalka argagaxisada, ee lagu khal-khal gelinayo amniga iyo xasiloonida Soomaaliya, islamarkaana lagu dilayo dad shacab ah, oo aan waxba galabsan.

War-Saxaafadeedka ayaa lagu xusay in dowladda Imaaraadka ay taageero la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, iyadoo caafimaad deg deg ah loo rajeeyay dadkii ku dhaawacmey weerarkii shalay.

Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhaawacantay, oo ay ku jiraan 6 u dhashay dalka Turkiga, kuwaasoo ka shaqeynayay dhismaha jidka isku xira magaaladda Muqdisho iyo degmada Afgooye, kaasoo ay maal-gelinayso dowladda Qatar.

Waa weerarkii labaad oo tan iyo bishii lasoo dhaafay lagula eegtay inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye shaqaalaha Turkiga, iyadoo Al-Shabaab ay sheegatay mas’uuliyadda labadii qaraxa ee ugu dambeeyay.

Al-Shabaaba ayaa ku sheegtay sababta ay ku beeganayso muwaadiniinta Turkiga inay dowladooda ay taageero military siiso dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana ay ku eedeysay inay boobeyso khayraadka dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran: "Haddii Israel Markale Nasoo Weerarto, Xitaa Maraykanka Ma Badbaadin doono Netanyahu"

Hadalkan ayaa kusoo aadaya iyadoo xiisadaha u dhexeeya Israel iyo Iiraan ay sii kordhayaan, kadib markii dagaallo iyo weeraro isdhaafsi ah.

  • Caalamka

    06-07-2025

  • 05:44AM

Fatahaadda Texas: 46 Qof oo Geeriyooday, 27 Carruur ah oo Weli La La’yahay

Waxaa la filayaa in dowladda dhexe ay ku dhawaaqdo xaalad degdeg ah si gacan looga helo gurmadka iyo taageerada dadka ay masiibadu saameysay.

  • Caalamka

    06-07-2025

  • 05:17AM