In ka badan 1,000 qof oo loo xiray rabshadaha Ethiopia

Image

ADDIS ABABA - Mas’uuliyiinta dalka Ethiopia ayaa xiray in ka badan 1,200 qof kadib markii bishan ay rabshado ka qarxeen gudaha iyo hareeraha magaalada caasimadda ah ee AddisAbaba, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan booliska, taasi oo saddex mar ka badan tirada markii hore la qiyaasayey.

Madaxa booliska caasimadda, Degfie Bedi ayaa sheegay in tirada dadka dhintay ay yihiin 28 qof, isaga oo wax ku daray lambarkii hore oo ahaa 23.

“Dadkaas badankood waxaa la garaacay ilaa ay ka dhintaan, toddoba ka mid ahna waxaa dilay ciidamada ammaanka” ayuu Degfie u sheegay weriyayaasha.

Rabshadaha oo dhacay 12-kii ilaa 17-kii September, oo ay ku jireen kuwa lala beegsaday dadka laga tirada badan yahay ee ku dhex nool qowmiyadda Oromada ee degan duleedka Addis-Ababa, ayaa dhaawac gaarsiiyey dadallada dib u heshiisiineed ee ra’iisul wasaaraha isbeddel doonka ah ee dalkaas Abiy Ahmed.

Rabshdaha ayaa billaabmay maalintii la qabanayey dibadbax lagu soo dhoweynayey hogaamiyayaasha dibad jooga ah ee jabhadda Oromada ee OLF, oo dagaal socda afartan sano ka waday dalkaas, ayaga oo doonaya maamul ay hesho qowmiyadda ugu badan dalkaas ee Oromada.

“1,204 qof ayaa xabsiga ku jira hase yeeshee waxaa hadda la dhaqan celinayaa waqti kooban” ayuu yiri madaxa booliiska Degfie, oo intaas ku daray in dadka la xiray ay ku jiraan kuwa lagu tuhmayo qabashada dibadbax sharci-darro ah, burcadnimo iyo dambiyo kale.

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM