​In kabadan 100 qof oo ku dhintay Shil Tareen

Image

Tareen kuwa dheereeya ah ayaa ku qalibmay waqooyiga dalka India, waxaana shilkaasi ku dhintay dad ay tiradoodu ka badan tahay boqol qof, halka dhaawacana uu ka badan yahay 150 ruux.

Tareenka ayaa kasoo baxay magaalada Indore ee bartamaha dalkaasi, asagoo ku sii jeeday Patna oo ku taalla bariga, waxaana uu khadka ka baxay mar uu marayay meel u dhaw magaalada Kanpur ee gobolka Uttar Pradesh.

Inta badan dadka saarnaa tareenkaasi ayaa jiifay xilliga uu shilka dhacayay oo ahayd saacadihii hore ee saaka.

Kooxaha gurmadka ayaa ku dadaalaya sidii ay dad ku hoos jira burburka usoo bixin lahaayeen.

Tirada dhimashada ayaa laga yaabaa in ay kororto, maadaama ay jiraan dad ku hoos jira burburka tareenka.

Wasiirka tareennada ee India ayaa amray in baaritaan lagu sameeyo waxa dhaliyay shilkaasi.

Dowladda dalkaasi ayaa shaacisay qorshe ay ku casriyeyneyso tareennada dalkaasi, waxaana tallaabadan ay ka fajacin doontaa dad badan.

BBC

Related Articles

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM

Araghchi: Ma jiro qorshe lagu daldalayo dibadbaxayaal, Trump-na wuu joojiyay weerarka

Trump ayaa arrintan ka hadlay saacado kaddib markii Mareykanku bilaabay in uu ka saaro qaar ka mid ah shaqaalihiisa saldhig ciidan oo ku yaalla Qatar.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 05:28AM