​In kabadan 100 qof oo ku dhintay Shil Tareen

Image

Tareen kuwa dheereeya ah ayaa ku qalibmay waqooyiga dalka India, waxaana shilkaasi ku dhintay dad ay tiradoodu ka badan tahay boqol qof, halka dhaawacana uu ka badan yahay 150 ruux.

Tareenka ayaa kasoo baxay magaalada Indore ee bartamaha dalkaasi, asagoo ku sii jeeday Patna oo ku taalla bariga, waxaana uu khadka ka baxay mar uu marayay meel u dhaw magaalada Kanpur ee gobolka Uttar Pradesh.

Inta badan dadka saarnaa tareenkaasi ayaa jiifay xilliga uu shilka dhacayay oo ahayd saacadihii hore ee saaka.

Kooxaha gurmadka ayaa ku dadaalaya sidii ay dad ku hoos jira burburka usoo bixin lahaayeen.

Tirada dhimashada ayaa laga yaabaa in ay kororto, maadaama ay jiraan dad ku hoos jira burburka tareenka.

Wasiirka tareennada ee India ayaa amray in baaritaan lagu sameeyo waxa dhaliyay shilkaasi.

Dowladda dalkaasi ayaa shaacisay qorshe ay ku casriyeyneyso tareennada dalkaasi, waxaana tallaabadan ay ka fajacin doontaa dad badan.

BBC

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM