​India: Dad luga helay dilka muslimiin oo la xukumay

Image

Maxkamad ku taal gobolka Gujarat ee Hindiya, ayaa ku heshay 24 ruux dambi ah dil wadareed loo geystay Muslimiin oo noqday kii ugu xumaa dagaal dhexmara qowmiyadaha ilaa markii ay xorriyadda qaateen.

11 ayaa lagu helay dambi dil ah, iyadoo maxkamaddana sii deysay 36 kale.

Maxkamadda sare ee Hindiya, ayaa amartay in dib loo baaro xasuuq dhacay sanadkii 2002 oo loo geystay 69 Muslimiin ahaa oo gabbaad ka dhigtay dhismooyin la degganaa magaalada Ahmedabad.

Dadkaasi, ayaa la jarjaray ilaa ay ka dhintaan iyadoo meydadkooduna la gubay.

Ra'iisul wasaaraha Hindiya ee xisbiga Hinduga, Narendra Modi, ayaa xilligaasi madax ka ahaa Gujarat. Wuxuuna beeniyay inuu indhaha ka qabsaday dilkaas.

Kuwa dhaliila, ayaa ku doodaya in diiwaankiisu ka dhigayo mid aan ku habooneyn inuu matalo dhammaan Hindiya.

BBC

Related Articles

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM

Ra'iisul Wasaaraha UK oo ka hadlay cadaadiska canshuuraha Trump iyo mowqifka Greenland

Starmer, oo ay garab taagnaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Yvette Cooper iyo Wasiirka Maaliyadda Rachel Reeves.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 09:36AM