​India: Xiisad ka taagan gobolka Kashmiir

Image

Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay gobolka Muslimiintu ku badantahay ee Kashmiir, kuwaasoo iska dhgatiray bandow ay kusoo rotgtay xukuumadda India oo gacanta ku haysa gobolkaasi.

Dadka isu soo baxay ayaa ka qayb galayay aas loo sameeyay wiil yar oo Iskuullay ahaa kaasoo lagu dilay dalkaasi.

Warbaahinta India ayaa ku warantahay, in wiilkaas oo lagu magacaabi jiray Nasir Shafi Jimcihii lagu waayay magaalada Srinaga.

Boolisku ayaa sunta dadka ka ilmeysiiya ku riday dadkaasi oo aaska kadib isu soo baxay si ay baroor diiq ugu sameeyaan wiilka la dilay.

Wararka aan helayno ayaa intaas ku daray in gobolkaasi uusan ka jirin wax dhaq-dhaqaaq ah, waxaana dowladda India jartay dhammaan khadadka Internetka dalkaasi.

Bandow buuxa ayaa la xaqiijiyay inuu haatan ka hirgalay gobolka Kashmiir.

Sidoo kale dowladdu waxay xirtay dhammaan shirkadaha mobile-lada marka laga reebo midda ay dawladdu leedahay.

In ka badan sideetan qof oo intooda badan ku kacsan dowladda ayaa ku dhintay rabshado socday laba bilood.

Dhoolatus ay milaterigu maalintii ciidda ka sameeyeen magaalada Srinagar ayaa sare u qaaday xiisadda.

Dhanka kalana Khurram Parvez oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa loo wareejiyay xabsi ku yaalla duleedka magaalada Srinagar, maalmo un kaddib markii laga hor istaagay in uu u safro magaalada Ganeva si uu khudbad uga horjeediyo gudiga xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM