Ingiriiska oo cabsi ka qaba amniga Soomaaliya [Digniin cusub]

Image

LONDON - Dowladda Ingiriiska ayaa shaacisay in cabsi xooggan oo dhanka amniga ay wali ka jirto dalka Soomaaliya, waxayna uga digtay muwaadiniinteeda inay usoo safraan, halka ku joogana loogu baaqay inay kasoo baxaan.

War kasoo baxay Waaxda arrimaha Dibadda ee Ingiriiska ayaa lsgu sheegay inay jirto cabsi ah in la afduubo ama la dilo muwaadiniinteeda, maadaama ay khatarta argagaxiso tahay mid aan la dheelsan Karin, oo wax walba lagala kulmi karo.

Muwaadin kasta oo u dhashay Ingiriiska islamarkaana booqanaya Hargeysa iyo Berbera waxaa loo sheegay inuu feejignaado, oo ka fogaado meelaha dadka ay ku kulmaan, sidoo kalena la socdaan waxyaabaha hareerahooda ka dhacaya.

Qoraalka ayaa lagu yiri: Waa inaysan Muwaadiniinta Britain tagin goobaha ay dibadbaxyada ka dhacayaan, iskuna dayin inay halkaasi sawiro kasoo qaadaan.”

Dowladda Ingiriiska ayaa shaacisay in Kooxaha Argagaxisada laga yaabo inay weeraro cusub ka fuliyaan Soomaaliya, iyadoo ay jirto khatar kale oo ku aadan afduubka muwadiniinta ajnabiga ah ee ku sugan dalka.

Somaliland ayaa kamid ah meelaha ay argagaxisadu qorsheynayso inay ka fuliso weerarada lagu beegsanayo dadka ajnabiga ah ee la shaqeeyay hay’adaha reer galbeedka.

Digniinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarada ay yihiin kuwa aan kala sooc lahayn, oo lagu beegsanayo goobaha caanka ah, sida Hoteelada ay degan yihiin mas’uuliyiinta dowladda.

Bishii lasoo dhaafay, Gabar u dhalatay dalka Jarmalka oo la shaqeynaysa ICRC ayaa lagu afduubey magaalada Muqdisho, iyadoo illaa hadda aan la ogeyn halka lagu hayo gabadhaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM