​Iraq: IS oo 131 qof ku dishay qarax​Iraq: IS oo 131 qof ku dishay qarax

Image
Image

BAQDAD- Qarax loo adeegsaday baabuur ayaa kooxda isku magacowday khilaafada Islaamiga ah ee ISIS, waxay la beegsadeen goob aad u mashquul badan oo ku taalla bartamaha magaalada Baqdaada gaar ahaan suuq dadku ka dukaamaysanayeen oo ku yaalla Karada.

131 qof oo carruur iyo haween u badan ayaa weerarkaasi ku naf waayay, waxaana ku dhaawacmay 200 in kabada sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga iyo caafimaadka.

Weerarkan ayaa dhacay xilli dadku isu diyaarinayeen Ciidul fidriga oo waqti kooban inaga xigto.

Dhismayaal iyo gawaari badan ayaa ku baa'aday qaraxaasi, waxaana lagusoo waramayaan in hati badan goobtaasi ku bur-burtay.

Dowladda ayaa cambaaraysay qaraxa Baqdaad, waxayna waxashnimo ku sifeeyeen laynta dadka masaakiinta ah.

Dagaalkan ayaa kusoo beegmay xilli guulo waaweyn gaareen ciidamada huwanta ah ee dagaalka kula jira kooxada IS.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo carqaladeysay gargaarkii Gaza xili ay jirto xabbad-joojin

Gudaha Gaza, dhaqdhaqaaqyada u baahan isku-duwidda ciidamada Israa’iil ayaa iyaguna la kulmaya caqabado.

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 08:22AM

Ciidamo Mareykan ah oo Gaaray Waqooyiga Nigeria

Toddobaadkii dhammaadkiisii hore, rag hubeysan oo watay mootooyin ayaa weera…

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 07:44AM