​Iraq: Qaraxyo ka dhacay magaalada Baghdad

Image

Sagaal ruux ayaa ku dhimatay, tobanaan kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay koonfurta magaalada Baghdad, ee caasimda dalka Iraq.

Saraakisha Booliska Iraq ayaa sheegay in labo qof oo isku soo xiray walxaha qarxa ay weerar ku qaadeen goob ay ciidamada amniga ku leeyihiin bar-koontarool oo ku taalla koonfurta Baghdad.

Afar kamid ah dadka lagu dilay qaraxyada ayaa ahaa askar katirsan ciidamada amniga ee ku sugnaa goobta la weeraray, sida ay saraakiisha Boolisku warbaahinta u xaqiijiyeen.

Ugu yaraan 22 kale oo shacab iyo askar isagu jirto ayaa ku dhaawacmay weerarka maanta ka dhacay magaalada Baghdad, ee xarunta dalka Iraq.

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada weerarka, balse waxa uu imaanayaa maalin kadib markii labo qarax oo noocan ah ka dhaceen suuq ku yaalla magaalada Baghdad, kuwaasi oo Daacish sheegatay.

Baghdad, waxaa ka dhacayay Qaraxyo joogto ah, wixii ka dambeeyay markii ay ciidamada dowladda Iraq weerarka ku qaadeen magaalada Mosul Bishii October ee sanadkii 2016-ka.

Dowladda Iraq oo howlgalka Mosul ay ka gacan siinayaan malleeshiyaad Shiico ah iyo Diyaaradaha militariga Mareykanka ayaan wali guulo rasmi ah ka gaarin Dagaalka ka dhanka ah ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga ah ISIS.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM