Isbahaysiga Sacuudiga oo gudaha u galay Garoonka Diyaaradaha ee Xudeyda

Image

YEMEN - Ciidamada Isbahaysiga dalalka Khaliijka ayaa gudaha u galay Garoonka Diyaaradaha magaalada xeebta ku yaalla ee Xudeyda, halkaasi oo dhawaan ay kala wareegeen xoogaga Xuutiyiinta Shiicada, ee gacan saarka la leh Iran.

Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegay in Ciidamadan oo ay hogaaminayaan kuwa Sacuudiga iyo Imaaraadka ay qabsadeen guud ahaan dhisamaha Garoonka, iyadoo dagaalyahanada Xuutiyiinta ay ku garaaceen Gantaallo iyo Hoobiyaal, markii laga fara-maroojiyay.

"Waxaan gudaha u galney Garoonka Diyaaradaha Xudeyda," sidaasi waxaa Reuters u sheegay Sarkaal Military, oo aan magaciisa la shaacin.

La wareegista Garoonkan oo muhiim u ahaa gargaarka bini'aadanimo ee Hay'adaha caalamiga u marin jireen shacabka ayaa waxa uu ka dambeeyay dagaal xooggan oo Ciidamada Khaliijka la galeen Malleeshiyaadka Xuutiga.

Diyaaradaha dagaalka Sacuudiga iyo kuwa Imaaraadka ayaa lagu soo waramayaa inay duqeyn xooggan u geysteen magaalada kahor inta aysan Garoonka la wareegin, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen inay jirto cabsi xooggan oo ku qasbey dad badan inay guryahooda ka barakacaan.

Hadii Xuutiyiinta laga qabsado Xudeyda, waxay dharbaaxo xooggan ku noqonaysaa awoodoodii Yemen ay ku lahaayeen, iyagoo sidoo kale luminaya Garoonka Diyaaradeed iyo Deked usoo mari jiray Hubka iyo taageerada kale ee uga yimaada dhanka Iran.

Xudeyda waxay 150-KM waqooyiga galbeed uga beegan tahay magaalada Sanca ee caasimadda Yemen, waxayna kamid ahayd meelaha ugu muhiimsan ee kuu jira gacanta Mucaaradka Xuutiyiinta.

Dagaalka mudada saddexda sano ka socda Yemen ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 10,000 oo qof, sida lagu sheegay warbixin ay dhawaan soo saartey Qaramada Midoobey.

Ciidamada ka socda dalalka Khaliijka carabta ayaa duulaan military ku qaadey Yemen bishii Maarso, 2015-kii, iyagoo doonaya inay awooda dib ugu soo celiyaan Madaxweyne Cabdul Rabu Mansuur Haadi, oo la afgembiyay sanadkii 2014.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM