Isku-dhaca Armenia iyo Azerbaijan oo dib-u-soo cusboonaadey

Image
Dagaalkii socday lixda toddobaad ee dhammaaday November 2020 ayaa waxaa ku dhintay 6,500 oo qof.

YEREVAN, Armenia — Armenia ayaa sheegtay in mid ka mid ah askarteeda lagu dilay iska hor-imaad dhexmaray ciidankeeda iyo kuwa Azerbaijan Isniintii, ayada oo xiisad ay weli ka taagan xuduudda labada dal.

"Iska hor-imaadka ayaa waxaa ka dhashay in askari 19 jir ahaa uu dhinto kadib dhaawac xooggan oo soo gaaray,” waxaa sidaas war-saxaafadeed ku sheegtay wasaaradda gaashaandhigga Armenia.

Labadan dal ayaa toddobaadkii tegay waxaa dhexmaray isku dhacii ugu xoogganaa ee tan iyo markii uu istaagay dagaalkii gobolka Nagorno-Karabakh ee sanadkii tegay.

Yerevan ayaa sheegtay in askariga uu dhintay kadib markii ciidamada Azerbaijan ay rasaas noocyo kala duwan ah kusoo fureen dhufeysayada ciidanka Armenia ee gobolka Gegharkunin ee dhinaca bari ee xuduudda.

Waxay sheegtay in iska hor-imaadka uu socday in ka badan hal saac.
Toddobaadkii tegay ,Armenia ayaa sheegtay in lix ka mid ah askarteeda lagu dilay iska hor-imaad ay la galeen Azerbaijan, halka 13 kale ay qabsatay Baku, ayada oo 24 kalena la la’yahay.

Azerbaijan dhankeeda sheegtay in toddoba askari looga dilay iska hor-imaadkaas oo dhacay Talaadii tagtay, halka 10 kale laga dhaaawacay.

Xabad-joojin ayaa la gaaray toddobaadkii tegay kadib dhex-dhexaadin uu sameeyey Wasiirka Gaashaandhigga Ruushka Sergei Shoigu.

Dagaalkii socday lixda toddobaad ee dhammaaday November 2020 ayaa waxaa ku dhintay 6,500 oo qof, waxaana uu istaagay kadib xabad-joojin ay dhex-dhexaadisay Russia. Armenia ayaa dagaalkaas ku weysay dhub baaxad leh oo ay haysatay tobanaan sano.

AFP + VOA

Related Articles

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM

Trump oo hakiyay duqeymihii Mareykanka ee Iran si fursad loo siiyo wada-hadallada

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Trump.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 11:31AM