Israa'iil oo hanjabaad cusub u dirtay Iran

Image

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Naftali Bennett ayaa muujiyay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay xoojiyaan dedaallada looga hortagayo khatarta Iran, isagoo ku celiyay diidmadiisa heshiis kasta oo nukliyeer ah oo Iran ay la gasho quwadaha adduunka.

Wadahadallo aan toos ahayn ayaa bilaaban doona November 29 ka dib soo noolaynta heshiiskii 2015, kaas oo madaxwaynihii hore ee Maraykanka Donald Trump uu ka baxay 2018, isaga oo u arka in Iran siinayso fursad ay ku kordhiso awoodeeda military.

Iran, oo beenisay in ay raadinayso hub niyuukleer ah, ayaa tan iyo markii uu ka baxay Maraykanku jabisay heshiiska, iyada oo la ballaariyay tayeynta Uranium-ka laga sameeyo niyuukleerka.

Bennett, oo xukunka la wareegay bishii June 2021, ayaa khudbad uu jeediyay ku tilmaamay Iran inay ku jirto "marxaladda ugu horumarsan ee barnaamijkeeda Niyukleerka".

Inkastoo dowladiisa ay horey u sheegtay inay u furan tahay heshiis cusub oo niyuukleer ah oo xayiraado adag lagu saarayo Iran, Bennett wuxuu dib u xaqiijiyay madaxbannaanida Israel si ay tallaabo uga qaado cadawgeeda weyn.

Israa'iil waxay sidoo kale xoojisay hadalladeeda ka dhanka ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran Talaadadii, iyada oo shaaca ka qaadday wax ay ku sheegtay laba saldhig oo loo isticmaalo in lagu qaado weerarrada badda ee diyaaradaha laga hago, waxayna soo bandhigtay in ay iskaashi la sameyso Khaliijka Carabta.

Wadamada Khaliijka Carabta ayaa la wadaaga walaaca ay Israel ka qabto diyaaradaha noocaan oo kale ah,iyaga oo arkaya gacanta Iran ama xulafadeeda weerarada dhanka hawada ah ee maraakiibta ama xarumaha tamarta ee Sacuudiga. Tehran ayaa inta badan beenisay eedeymahaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM

Trump oo hakiyay duqeymihii Mareykanka ee Iran si fursad loo siiyo wada-hadallada

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Trump.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 11:31AM