Israa'iil oo qaadatay mas'uuliyadda dilka wariye Shireen

Image
Natiijadda baaritaan ayaa muujisay in toogashadda uu geystay askari ka tirsan milatariga Yahuuda.

TEL AVIV, Israel - Milateriga Israa’iil ayaa baaritaan kusoo gabagabeeyay in mid kamid askartooda ay u badan tahay in uu dilay Saxafiyadii Falastiini-Ameerikaanka ahayd ee Shireen Abu Aqla.

Weriyaha ruug-cadaaga ah ee ka tirsaneyd telefishinka reer Qadar ee Al-Jazeera ayaa madaxa laga toogtay iyadda oo ka warbixinaysay weerar ka dhacay Daanta Galbeed ee la haysto bishii May.

Waa markii ugu horeysay ee ciidamadda Yahuuda ay qirtaan in ay ka dambeeyeen toogashadda Shireen oo sababay cambaareyn iyo caro caalami ah isla markii uu falkaas dhacay.

Sarkaalka ugu sareeya dhanka sharciga ee ciidamada ayaa sidoo kale wuxuu meesha ka saaray in dambi baaris lagu sameeyo askarta ku lugta leh, isagoo si hufan u soo afjaray baaritaankii kiiska.

Qoyska Abu Caqla ayaa sheegay in aysan la yaabin in ciidamada Yahuuda oo isku dayaya in ay runta qariyaan oo ay ka fogaadaan mas’uuliyadda dilkeeda.

Abu Aqla ayaa 11-kii bishii May gaartey xerada qaxootiga ee Jenin si uu uga warbixiyo weerar ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen halkaas kadib markii ay isku dhaceen askar iyo maleeshiyaad falastiiniyiin ah.

Goobjoogeyaal iyo muuqaalo la helay ayaa muujiyey in Shireen ay xirneyd koofiyad iyo jaakad loogu talagalay in ay qaataan wariyeyaasha marka ay kasoo waramayaan goobaha colaadaha ba'an ay ka jiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM