Israa’iil oo goobaysa marti-gelinta dalxiisayaal reer Carab ah

Image
Halka nus malyuun qof oo dalxiisayaal Israa’iil ah ay booqdeen Dubai, dadka Imaaraatka ee tagay Yahuuda waxa ay ka yaryihiin 2 kun oo qof.

TEL AVIV, Israel - Wasaaradda dalxiiska Israa’iil ayaa sheegtay in tiradii ugu yarayd oo dalxiisayaal Carab ah ay soo booqdeen dalkaasi tan iyo intii dalkani uu heshiis dublamaasiyadeed la saxiixday dowladaha Carabta qaarkood sida Imaaraatka oo kale iyo Baxreyn sanadkii 2020-kii.

Halka nus malyuun qof oo dalxiisayaal Israa’iil ah ay booqdeen Dubai, dadka Imaaraatka ee tagay Yahuuda waxa ay ka yaryihiin 2 kun oo qof, taas oo aad welwel ugu haysa dowladda Israa’iil oo u haysatay in haddii dowladaha Carabta lala heshiiyo ay dadka durbadiiba iska hilmaamayaan wixii ka dhaxeeyay, islamarkaasna dalxiis ugu imanayaan.

Mursi Xija oo madax ka ah urur ay leeyihiin iskaashatada Carabiga ku hadasha ee dadka dalxiisiya ee Israa’iil ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in dadka Carabta ay badankood aaminsanyihiin in ay dambi weyn galeen haddii ay Israa’iil tagaan.

Wasaaradda dalxiiska Israa’iil tirakoob rasmi ah kama hayso dadka kasoo dalxiis tagay Baxreyn, sababtoo ah aad iyo aad ayay u yaryihiin.

Arrintan ayaa la sheegay in ay sabab u tahay sumcad xumada Israa’iil ay ku dhex leedahay dunida Carabta iyo Islaamkaba sababo la xiriira dhibaatada joogtada iyo dhul boobka ay ku hayso bulshada Falastiiniyiinta.

Aragti uruurin laga sameeyay dalalka Imaaraatka iyo Baxreyn ayaa waxaa aad hoos ugu dhacay dadka taageersan heshiiskii Israa'iil lala galay sanadkii 2020-kii, waxaana arrintan loo sababeeyay xiisadaha kasoo dhex cusboonaadey Israa’iil iyo kooxaha Falastiiniyiinta.

Dowladda Israa’iil ayaa bishii hore wafdi wasaaradda dalxiiska ka socda u dirtay Dubai si ay u suuqgeeyaan goobaha dalxiiska, iyaga oo siday farriin ah in Israa'iil ay tahay meel nabdoon oo dalxiiska ku wanaagsan oo la tagi karo, gaar ahaan magaalada Tel Aviv.

Magaalada Qudus ee aadka loogu muransanyahay ayaa iyadu ah meel aysan u dhowaan Carabta dalxiiska ah, sababtoo ah waxa markiiba uga imaanaya falcelin daran dadka Falastiiniyiinta ah.

Waa magaalo aad xasaasi u ah maadaama Israa’iil ay sheegayso in ay caasimad u tahay, doonaysana in dadka ay caadi u arkaan arrintaasi. Balse reer Falastiin waa u qad cas.

Markii sanado ka hor dad Imaaraatka ka socda ay booqdey Masjidu Aqsa iyaga oo ay la socdaan Booliiska Israa’iil, waxaa fatwo diini ah oo uu ku naqdinayo soo saaray Muftiga Masaajidka Sheekh Maxamed Axmed Xuseen.

Kaliya ma ahan dalxiisayaasha kuwa ka baqanaya Israa’iil, ee xitaa ardayda Carabaha ka yimid ee Israa’iil waxbarashada u taga ayaa la kulma hanjabaado iyo dhaleecayn ay kala kulmaan dad Carab ah ama Falastiiniyiin ah.

Si kastaba ha ahaatee, ra'iisul wasaare Benjamin Netanyahu oo markii 6-aad xilka Ra’isulwasaarenimada kusoo noqday ayaa ballanqaaday in uu xoojin doono xiriirka kala dhaxeeya dalalka Carabta wallow durba uu diidmo xooggan kala kulmay shacabka Falastiin oo horey uu u gumaadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Furriin Soo Socda? Sababta Loo Hadal Hayo Obama iyo Michelle Maalmaha

Arrimahaasi waxaa sii kordhiyey maqnaanshaha Michelle Obama ee dhacdooyin waaweyn oo dhawaanahan dhacay.

  • Caalamka

    16-01-2025

  • 05:03PM

Israel iyo Xamaas oo Gaadhay Heshiis Xabbad-joojin ah

Heshiiskan, oo ay dhexdhexaadiyeen Mareykanka, Masar, iyo Qatar, ayaa…

  • Caalamka

    15-01-2025

  • 10:21PM