Israel: Natanyahu oo beeniyey inuu ka badbaadey isku day dil

Image

KENYA- Ra'isal wasaaraha dalka Israel ayaa xafiiskiisa ku tilmaamey hadal aan waxba ka jirin warar ay qortey jariidad kasoo baxda dalka Kuwait ' Kuwait daily' oo sheegtey in la baajiyey weerar lagu Dili lahaa Benjamin Netanyahu.

Mar la waydiiyey warkaan, Netanyahu ayaa sheegey inuusan waxba ka ogeyn isku_deygaan, halka warar kale sheegayaan inuu si Caro leh u yiri waa waxba kama jiraan. 

Wargeyska Kuwaiti, ayaa sheegey in qof xogogaal ah oo ka tirsan xukuumada Nairobi xusey in dowlada Kenya amartey in Dariiqii uu mari lahaa waftiga Netanyahu la badalo maalintii Talaadada. Qarax ayaa laga heley wadadii hore ee rasmiga aheyd, labo qof oo la tuhunsan yahay_na waa la xirey ayaa xogtaan sheegetey.

Natanyahu ayaa ku guda jira booqashooyin uu ku kala bixinayo wadamo ka tirsan Bariga Africa isagoo istaagiisa labaad yahay wadanka Kenya.

Ra'isal wasaaraha ayaa booqashadan ku maraya dalalka Uganda, Ruwanda, Kenya iyo Ethiopia kuwasoo diirada lagu saarayo sidii looga horatgi lahaa argagixisada ku soo xoogeysaneysa wadamadaan.

Wadanka Israel ayaa la sheegey in wadamadaan uu siinaya aduun gaaraya 13 Malyun oo dollar. 

GAROWEONLINE + WAKALAADAHA

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM