Israel: Netanyahu Ka Badbaaday Isku Day Dil

Image

QUDUS — Mas’uuliyiinta ammaanka Israel ayaa xiray haweeney lagu eedeeyay inay qorsheyneysay in ay ku disho Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, bam gacmeed ay iyadu samaysay, sida ay sheegtay hay’adda sirdoonka gudaha ee Shin Bet Arbacadii.

Haweeneydan oo aan magaceeda la shaacin ayaa la xiray laba toddobaad ka hor, waxaana markii dambe lagu sii daayay shuruudo adag oo ay ka mid yihiin inaysan u dhowaan karin Netanyahu iyo xarumaha dowladda. Khamiista ayaa la filayaa in lagu soo oogo dacwad rasmi ah oo ah shirqool dambiyeed iyo fal argagixiso.

Xiritaanka haweeneydan ayaa qeyb ka ah taxane ah isku dayo hore oo lagu fashiliyay in lagu dilo Netanyahu, iyadoo xaaladda siyaasadeed ee Israel ay sii cakiran tahay.

Qiyaastii sanad kahor, muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujiyay dibadbax ka dhacay magaalada Tel Aviv oo uu mid ka mid ah ka qeybgalayaasha ugu baaqay dilka Netanyahu. Muuqaalku wuxuu ka dhacay waddada Kaplan, waxaana halkaa mid ka mid ah dadka mudaaharaadayay uu yiri: "Waan hubin doonnaa in la dilo,” isagoo ka jawaabaya su’aal ku saabsan haddii Netanyahu uu diido inuu iscasilo.

Bishii Sebtembar ee sanadkii hore, booliska Israel waxay sidoo kale fashiliyeen shirqool kale oo lala xiriirinayo Iran, kaasoo uu ku lug lahaa nin ganacsade ah oo xiriir la lahaa dalka Turkiga. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in ninkan laba jeer si qarsoodi ah loogu geeyay Iran, lagana siiyay lacag uu ku fuliyo howlo sirdoon, oo ay ka mid ahayd isku day dil oo lagu beegsaday Netanyahu.

Bishii Oktoobar, Netanyahu wuxuu Iran ku eedeeyay inay ka dambeysay weerar loo adeegsaday diyaaraddii aan duuliyaha lahayn (drone) oo ka timid dhanka Lubnaan, taas oo ku dhacday guri ku yaalla magaalada Caesarea ee uu Netanyahu degan yahay. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa xaqiijiyay in isaga iyo xaaskiisu aysan joogin guriga waqtiga weerarka, mana jirin wax khasaare ah oo ka dhashay.

“Wakiillada Iran ee isku dayay inay i dilaan aniga iyo xaaskeyga maanta qalad weyn ayay galeen,” ayuu Netanyahu ku yiri bayaan. “Tani nagama hor istaagi doonto aniga iyo Israel dagaalka aan ugu jirno badbaadada qarankeenna.”

Ilaa hadda ma cadda haddii shirqoolkan ugu dambeeyay uu xiriir la leeyahay hanjabaadihii hore ee lala beegsaday Netanyahu. Baaritaanno ayaa weli socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aqalka Cad oo shaaciyey in nooca xanuunka Trump laga helay

Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa sheegtay in xanuunka lagu arkay baaritaan caafimaad oo dhowaan la sameeyey.

  • Caalamka

    19-07-2025

  • 07:15AM

Maxay Israel u Weerartey Suuriya Gaar Ahaan Magaalada Dimishiq?

Weerarkan ayaa yimid kadib markii ay ciidamada dowladda Suuriya galeen gobolka…

  • Caalamka

    16-07-2025

  • 09:18PM