Israel oo duqayn ku dishay askar u dhalatay Iran, Syria iyo dalal kale

Image
Image

SUURIYA - yaraan 27 Askari oo isagu jira Ciidanka Militeriga Syria iyo kuwa ajnabiga ah ayaa lagu dilay duqayn Israel ka fulisay gudaha dalkaasi, sida laga soo xigtay kormeerayaasha fadhigoodu yahay London.

Duqaynta oo ka dhacay meelo kala duwan oo gudaha dalka Syria ah, ayaa Askarta lagu dilay waxaa kamid ahaa 11 kasoo jeeda wadanka Iran, oo Ciidamado taageera Bashar Al-Asad ka joogaan Syria.

Warka ayaa kusoo beegmaya xilli xiisadda u dhaxaysay Iran iyo Israel ay cirka isku shareertay, waxaana jirto baqdin laga qabo inay dalalkaasi ku dagaalaman gudaha wadanka colaado la degtay ee Syria.

Israel ayaa duqeysay saldhiyo ay Iran ku leedahay Syria, taasi oo keentay in Iran ay gantaallo ku rido dhinac Israel, gaar ahaan buuraha Golan Heights, oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Yahuuda.

Israel aad uga walwalsan cudada ciidan ee sii koreysa oo dowlada Iran ku yeelaneyso gudaha Suuriya, taasoo ay aaminsan tahay inay halis ku tahay jiritaankeeda iyo amnigeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel: Netanyahu Ka Badbaaday Isku Day Dil

Xiritaanka haweeneydan ayaa qeyb ka ah taxane ah isku dayo hore oo lagu fashiliyay in lagu dilo Netanyahu.

  • Caalamka

    23-07-2025

  • 01:43PM

Aqalka Cad oo shaaciyey in nooca xanuunka Trump laga helay

Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa sheegtay in xanuunka lagu arkay baaritaan caafimaad oo dhowaan la sameeyey.

  • Caalamka

    19-07-2025

  • 07:15AM