Israel oo Gaza ku wareejin doonto Mareykanka

Image

Washington — Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Khamiistii shalay sheegay in Israel ay Gaza ku wareejin doonto Mareykanka marka dagaalka Hamas la soo afjaro.

Trump ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka aan looga baahnaan doonin Gaza. Hadalkan ayuu ku soo qoray bartiisa Truth Social.

Trump wuxuu horey u soo jeediyay in Mareykanka la wareego Gaza, oo ah dhul xeebeed ku yaalla bariga Badda Mediterranean-ka.

Trump ayaa sheegay in in ka badan 2 milyan oo Falastiiniyiin ah oo Gaza ku nool "la dejin doono goobo ammaan ah oo cusub, oo leh guryo casri ah."

Lama caddayn in dadkaasi lagu deyn doono Gaza ama dalal kale oo aan weli oggolaan in ay martigeliyaan.

Related Articles

Ciidamada ICE oo in ka badan 400 qof ku qabtay gobolka Minnesota

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota, oo ah tan ugu badan ee qowmiyad dibadda ka soo jeeda gudaha gobolka.

  • Caalamka

    15-12-2025

  • 11:26AM

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM