Israel oo lagu eedeeyey inay duqeyn ka geysatey gudaha Syria

Image

December 8, 2014 (GO)- Dowladda Syria ayaa ku eedeysay Israel in diyaaradaheeda dagaalku duqeeyeen labo goobood oo ku yaalla duleedka magaalada Dimishiq kuwaasoo midkood wax yar u jirto garoonka diyaaradaha ee Dimishiq.

"cadowga Israel wuxuu soo weeraray Syria isagoo bartilmaameedsanaya labo aag oo nabad ah kuna yaalla gobolka Dimishiq, labadaas goobood oo kala ah agagaarka Dimas iyo meel u dhow garoonka caalamiga ah ee Dimishiq" warbixin laga baahiyey telefishinka al-Ikhbariya ee ku hadla afka dowladda ayaa sidaas lagu yiri.

Warar madax banaan oo warbaahintu heshay ayaa sheegaya in duqeyntaas khasaare nafeed oo baaxad lihi kasoo gaarey militeriga Syria, inkastoo maamulka Asad ka gaabsadey inuu arintaas wax faah faahin ah ka bixiyo.

Dhanka Isreal weli jawaab ah kama bixin eedaymaha uga yimid Syria ee ku saabsan duqeyntaas oo dhacdey shalay oo Axad ahayd.

Laga soo bilaabo sanadkii 2011, markaasoo dalka Syria uu ka bilowday kacdoon dadweyne oo markii dambe isu bedelay dagaal sokeeye oo lagu hoobtey, waxaa dhowr mar gudaha Syria duqeymo ka geystey diyaaradaha dagaalka ee Israel.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Netanyahu uga digay joogitaanka ciidamada Israel ee Suuriya iyo Lubnaan

Warbixinta ayaa sheegtay in intii lagu jiray wada hadal telefoon oo dhex maray labada hoggaamiye Khamiistii la soo dhaafay.

  • Caalamka

    14-07-2026

  • 06:52PM

Mareykanka oo Duqeeyey 140 Bartilmaameed oo ku Yaalla Iran

Dhanka kale, Iiraan ayaa la sheegay inay jawaab ahaan weerarro ku qaaday Baxrayn, Qatar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

  • Caalamka

    13-07-2026

  • 09:44AM