Israel oo weerar ku qaadey Saldhigyo Iran ku leedahay Syria

Image

Israel ayaa maanta sheegtay in diyaaradaheeda dagaalka ay duqeeyeen saldhigyo milatariga Iran ay ku leeyihiin gudaha dalka Syria, ayaga oo ka jawaabaya gantaaallo Iran ay kusoo ridday ciidamada Israel ee haysta buuraleyda Golan Heights.

Israel waxa ay sidoo kale ka digtay “inaysan u ogolaan doonin in halista Iran laga aasaaso gudaha Syria”, islamarkaana dowladda Syria ay mas’uul ka noqon doonto “Wax walba oo ka dhaca gudaha dalkeeda.”

Wasiirka gaashaandhigga Israel, Avigdor Lieberman ayaa sheegay in Israel ay duqeysay ku dhowaad dhammaan saldhigyada Iran ee gudaha Syria.

Iran ayaa waxa ay isbaheysi la tahay Syria, waxaana ciidamadeeda milatariga ay taageerayeen madaxweyne Bashar Al-Assad.

Russia oo sidoo kale taageerta Assad, ayaa ku baaqday in Israel iyo Iran inay muujiyaan isxakameyn, ayada oo madaxweynaha Faransiiska Emanuel Macron uu ugu baaqay labada dhinac inay xiisadda qaboojiyaan.

Related Articles

Aqalka Cad oo shaaciyey in nooca xanuunka Trump laga helay

Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa sheegtay in xanuunka lagu arkay baaritaan caafimaad oo dhowaan la sameeyey.

  • Caalamka

    19-07-2025

  • 07:15AM

Maxay Israel u Weerartey Suuriya Gaar Ahaan Magaalada Dimishiq?

Weerarkan ayaa yimid kadib markii ay ciidamada dowladda Suuriya galeen gobolka…

  • Caalamka

    16-07-2025

  • 09:18PM