Isticmaalka WhatsApp oo lagu soo rogay sharci cusub Covid-19 awgii

Image

NEW YORK, US – Shirkadda xiriirka bulshadda WhatsApp, taas oo hoostagta Facebook, ayaa waxaa lagu waramay in ay soo rogtay sharci cusub, sababo la xiriirta ka hortagga faafitaanka fayruska Corona.

Xeerka cusub oo durba la dhaqan-geliyey wuxuu yahay in aadan hal qof ka badan u diri karin fariimaha lagu wadaago habka loo yaqaano "forward".

Sidda ku xusan warbixinta, arrintaan ayaa ka dambeysay markii ay kordheen qoraalada lagu jahwareerinayo dadka ee la xiriira daawada cudurka Covid—19.

Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee loosoo gaabiyo WHO ayaa horey uga codsatay shirkadaha isgaarsiinta in ay la dagaalamaan dhibaatadaan soo korortay.

War-saxaafadeed kasoo baxay WhatsApp ayaa lagu sheegay in go'aanka isbedelka ay qaateen kadib markii ay arkeen koror baaxad weyn oo dhankaas ah.

"Waxaanu aaminsanahay ahmiyada ay leedahay in hoos loo dhigo faafitaanka fariimaha ay ka dhigeyso WhatsApp kaliya meel shaqsiyaad ku wada sheekeystaan," ayuu raaciyey bayaanka.

WhatsApp waxaa ku xiran in ka badan laba bilyan oo qof, kuwaas oo ku nool guud ahaan caalamka, sidda ay muujineyxog-uruurintii u dambeysay.

Coronavirus oo sababa xanuunka loo yaqaano Covid—19 oo kasoo bilowday bartamaha dalweynaha Shiinaha ayaa ku gaarey boqolaal waddan, wuxuuna ku galaaftay nolosha in ka badan 70-kun oo ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel iyo Xuutiyiinta oo isweydaarsaday duqeymo cirka ah xilli xiisad ka jirto Badda Cas

Madaxweyne Donald Trump ayaa horey u amray weerarro waaweyn oo ka dhan ah Xuutiyiinta dalka Yemen.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 07:06AM

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Elon Musk kadib markii uu dhisay xisbiga cusub ee "American Party"

Muranka ka dhashay miisaaniyadda qarashka dowladda ayaa sababay kala fogaansho weyn oo u dhexeeya Trump iyo Musk.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 05:49AM