Itoobiya oo isticmaalaysa khad Tareen casri ah [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

20 Septembar, 2015(GO)-Magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya waxaa laga bilaabay isticmaalka khad Tareen ku shaqeeya koronto.

Waxaa ku baxay kharash gaaraya 470 milyan oo doolar, isagoo halkii mar qaadi kara rakaab dhan 60 kun.

Tareenada oo leh midabada caddaan, cagaar iyo buluug ayaa ka dhex shaqaynaya magalada gudaheeda masaafo dhan 34-km iyagoo adeegsanaya Koronto.

Injineero Shiinays ah ayaa howshan ka caawiyay Itoobiya, waxaana intiisa badan maalgaliyay bangiga dalkaasi oo  loo yaqaanno Export Import Bank of China.

Adeegan waxaa ka faa'iidaysan doona hal milyan oo ruux, waxaana kharashka lagu raacayo ka yar-yahay nus doollar.

Arrintan, ayaa wax ka badali doonta ciriiriga dhanka waddooyinka ee ka jira magalada Adis Ababa, waxa uuna astaan u yahay raadka dhaqaale ee Shiinuhu ku leeyahay Afrika.

Dowladda Itoobiya oo ka hadashay  mashruucan ayaa sheegtay in tareenadu shaqayn doonaan 16 saac maalin kasta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo carqaladeysay gargaarkii Gaza xili ay jirto xabbad-joojin

Gudaha Gaza, dhaqdhaqaaqyada u baahan isku-duwidda ciidamada Israa’iil ayaa iyaguna la kulmaya caqabado.

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 08:22AM

Ciidamo Mareykan ah oo Gaaray Waqooyiga Nigeria

Toddobaadkii dhammaadkiisii hore, rag hubeysan oo watay mootooyin ayaa weera…

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 07:44AM