Itoobiya oo isticmaalaysa khad Tareen casri ah [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

20 Septembar, 2015(GO)-Magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya waxaa laga bilaabay isticmaalka khad Tareen ku shaqeeya koronto.

Waxaa ku baxay kharash gaaraya 470 milyan oo doolar, isagoo halkii mar qaadi kara rakaab dhan 60 kun.

Tareenada oo leh midabada caddaan, cagaar iyo buluug ayaa ka dhex shaqaynaya magalada gudaheeda masaafo dhan 34-km iyagoo adeegsanaya Koronto.

Injineero Shiinays ah ayaa howshan ka caawiyay Itoobiya, waxaana intiisa badan maalgaliyay bangiga dalkaasi oo  loo yaqaanno Export Import Bank of China.

Adeegan waxaa ka faa'iidaysan doona hal milyan oo ruux, waxaana kharashka lagu raacayo ka yar-yahay nus doollar.

Arrintan, ayaa wax ka badali doonta ciriiriga dhanka waddooyinka ee ka jira magalada Adis Ababa, waxa uuna astaan u yahay raadka dhaqaale ee Shiinuhu ku leeyahay Afrika.

Dowladda Itoobiya oo ka hadashay  mashruucan ayaa sheegtay in tareenadu shaqayn doonaan 16 saac maalin kasta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM