Jamhadaha Peshmerga oo jebiyey go'doonkii IS ku haysey buurta Sinjaar

Image

December 20, 2014 (GO)- Jamhadaha Kurdishka ah ee Peshmerga ayaa horumar ka sameeyey dagaalka ay kula jiraan kooxda Daacish (ISIL) kadib markii ay ku guuleysteen inay jebiyaan go'doon muddo afar bilood ka badan kooxdaasi ku haysey buurta Sinjaar.

Boqollaal qoys oo ka tirsan qabaa'ilka Yazidiyiinta ee laga tirada badan yahay ayaa halkaas ku go'doonsanaa laga soo bilaabo bishii August ee lasoo dhaafay.

Sarkaal ka tirsan Peshmarka oo lagu magacaabo Shirazad Zakhuli ayaa wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu u sheegay in hadda wixii ka dambeeya duulaankooda u jiheyn doonaan magaalada Tal Cafar halkaasoo todobaadyo kahor gacanta u gashay Daacish.

Wadamada Reer Galbeedka iyo dalalka Carabta qaarkood ayaa taageero dhaqaale iyo mid militeriba siiya jamhadaha Kurdishka si ay ula dagaalamaan ururka xagjirka ah ee IS una difaacaan magaalooyinkooda.

Hawlgalka dib loogu xoreeyey Sinjaar oo tobanaan diyaaradaha dagaalka Maraykanka iyo xulafadiisa ahi ka qayb qaateen wuxuu ahaa kii ugu ballaarnaa ee Peshmerga fuliso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Duqeeyey 140 Bartilmaameed oo ku Yaalla Iran

Dhanka kale, Iiraan ayaa la sheegay inay jawaab ahaan weerarro ku qaaday Baxrayn, Qatar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

  • Caalamka

    13-07-2026

  • 09:44AM

Iiraan oo xirtay marin-biyoodka Hormuz, weerarna ku qaadey dalalka Khaliijka 

Iiraan oo sheegtay inay gantaallo iyo diyaarado ismiidaamin ah ku weerartay Jordan, Bahrain, Kuwait, Qatar iyo Cumaan.

  • Caalamka

    12-07-2026

  • 11:16AM