​Japan: Nin Mindi ku dilay 20 qof oo naafo ah

Image
Image
Image
Image
Image

Wararkaa  laga helayo dalka Japan ayaa sheegaya nin Mindi ku hubaysan inuu weerar ku qaaday xarun lagu xannaaneeyo dadka naafadaha ah, wuxuuna halkaasi qudha uga jaray 20 ruux sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan Boliiska waddankaasi.

Ninkan ayaa dadkaasi dilay xilli ay ku sugnaayeen xaruntooda, wuxuuna dhammaantood u dilay qaabka isku mid ah.

Booliiska ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen islamarkaana baaritaan ku samayn doonaan sababta ku kaliftay inuu falkaasi gaysto.

Warbaahinta gudaha waddankaasi oo soo xiganaysay dambiilaha ayaa u sheegay inuu qorshihiisu ahaa siduu uu nolosha u dhaafin lahaa dadkan aan waxba qabsan karin.

Dalka Japan ayaa inta badan dadku helin hubka, balse taa badalkeeda waxay adeegsadaan mindiyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM