Japan oo hoos u dhigaya kaalintiisa howlgal ka socda xeebaha Soomaaliya

Image

TOKYO, Japana – Dowladda Japan ayaa qorsheyneysa in ay hoos u dhigto howlgalka ka socda xeebaha Soomaaliya ee ka dhanka ah shufta badeeda, sidda ay qoreyso saxaafadda maxaliga ah.

Hoos u dhigitaanka oo ay go’aan ka gaarayaan Golaha Wasiiradda dalkaas ayaa quseysa agabka gaar ahaan diyaaradaha dagaalka, sidda uu ka dhawaajiyey mas'uul hadlay.

Japan ayaa howlgalka la dagaalanka burcad-badeeda Soomaaliya wuxuu ku leeyahay hal markab iyo laba diyaaradood.

Qorshaha haatan socda ayaa wuxuu yahay in hal diyaarad ay ka baxaan, sidda uu xusay Yoshihide Suga, xoghyaha xukuumadda oo war-fidiyeenka la hadlay kadib shir ay yeesheen wasiiradda.

Diyaaradaas oo nooceedu yahay P-3C isla markaana loogu talogalay howlgaladda roondoooyinka ayaa loo wareejin doonaa Bariga Dhexe "si loogu xoojiyo xasiloonida gobolka".

"Japan waxay si madax banaan u qaadaneysaa xaqiijinta nabadda iyo xasiloonida gobolka Bariga Dhexe iyo bad-qabka ammaanka Maraakiibteena," ayuu Suga hadalkiisa ku daray.

Bariga Dhexe gaar ahaan marin-biyoodyadda ayaa waxaa ka taagan xiisad u dhaxeysa Mareykanka iyo Iiraan, taas oo sababtay in la beegsado maraakiib ay leeyihiin waddamo dhowr ah.

Badi maraakiibta la bartilmaameedsaday ayaa ah kuwa dhoofiya Saliida, oo haatan noqotay wax ugu badan ee ay dunida ku tartameyso maadaama isha dakhliga dunida noqotay.

Howlgalka la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya oo xoogeystay 2011-kii ayaa waxaa ka qeyb-qaata dowlado dhowr ah, wallow qudhooda lagu eedeeyo kalluumeysi baalmarsan sharciga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

“Aad ayaan uga niyad jabay,” ayuu yiri Trump kadib wada hadal telefoon oo uu la yeeshay Putin

Zelensky ayaa mar kale ku baaqay in la kordhiyo taageerada milatari ee ay siiyaan la-hawlgalayaasha Ukraine.

  • Caalamka

    04-07-2025

  • 11:18AM

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran: Waa ka fekeraynaa Wadahadallada Mareykanka

Araghchi ayaa sheegay in Iran aysan diyaar u ahayn inay si dhakhso ah u bilowdo wadahadallo cusub sida uu Trump.

  • Caalamka

    02-07-2025

  • 12:56PM