Jarmalka oo albaabada u furay 250,000 oo shaqaale Kenyan ah

Image

BERLIN - Jarmalka waxa uu ogolaaday in uu albaabada u furo 250,000 oo ah shaqaale Kenyan ah oo xirfad iyo aqoon leh, kadib heshiis uu Ruto kula galay Berlin Ra'iisul Wasaare Olaf Scholz.

Kenya waxa ay la daalaa dhacaysa dhibaatooyinka sii kordhaya ee ku aadan bixinta shaqo iyo dakhli ku filan oo ay helaan dhalinyaradeeda xirfadlayaasha ah, halka Jarmalku ay soo food saartay gabaabsi shaqaale xirfad leh.

Shan ka mid ah darawallada basaska Kenya ayaa horay loogu soo dhaweeyay magaalada Flensburg ee waqooyiga dalka Jarmalka, iyadoo lagu wado mashruuc tijaabo ah. Heshiisyada socdaalka ayaa tiir dhexaad u ah dadaalka ay dowladda Jarmalku ku doonayso in ay ku xakamayso soogalootiga.

Heshiiskan ayaa sidoo kale fududeynaya dib u celinta dadka Kenyanka ah ee ku sugan Jarmalka iyaga oo aan heysan ogolaansho sharci ah.

Soo galootiga ayaa ah arin aad ugu wayn dalka Jarmalka xiligan,kadib markii ay sare u kaceen sumcada xisbiga midigta fog ee ka soo horjeeda socdaalka ee Alternative for Germany (AfD).

Xukuumadihii kala dambeeyay ee Berlin ayaa u oggolaaday tiro aad u badan oo magangalyo doon ah inay dalka degaan sannadihii u dambeeyay.

Jarmalku waxuu qaabiley in ka badan hal milyan oo qof, kuwaas oo badi ka soo qaxay dagaallada ka socda waddamo ay ka mid tahay Suuriya, intii lagu jiray qalalaasaha muhaajiriinta ee 2015-2016, waxana uu helay 1.2 milyan oo Ukraine ah tan iyo markii uu Ruushku duullaanka ku qaaday dalkaas February 2022-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM