​Jarmalka oo qorshaynaya inuu ciidamo keeno Biyaha Somalia

Image

Barlamanka waddanka Jarmalka, ayaa ansixiyay qorshe ciidamadooda millateriga uga howlgalayaan dalalka Somalia iyo Mali gaar ahaan xeebaha sida uu sheegay afhayeen dalkaasi u hadlay.

Warbaahinta dalka Jarmalka ayaa lagu daabacay hindisahan cusub iyadoo la sheegay in ciidamadaasi hoos imaan doonaan Midowga Yurub "EU"oo dammaanad qaaday ilaa laga gaaro bisha 5aad sanadka 2017.

 "Baarlamaanka dalka ayaa go'aansaday inuu dheereeyo mudada  Bundeswehr [ciidanka Jermalka] ee burcad badeeda kuwajahaya biyaha badda ee Soomaaliya iyadoo sidoo kale la taageerayo waddanka  Mali," Sidaasi waxaa yiri Steffen Seibert oo ah afhayeenka dawladda Jermalka.

Arrintan oo Barlamanku ansixiyay shalay oo Arbaco ahayd, wuxuu kusoo beegmay xilli badda Somalia ku sugnaayeen ciidamo Jarmalka kasocda kuwaasi oo ilaaliya maraakiibta gacansi, waxayna joogeen ilaa 2008-dii.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dowladda Somalia, waxaana arrinta kusoo beegmaysa xilli biyaha Somalia joogaan ciidamo kasocda NATO.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaafkii Sacuudiga iyo Imaaraadka oo sii qoto dheeraaday kaddib dagaallo ka dhacay Yemen

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in Riyadh ay ka walaacsan tahay ballaarinta saameynta Imaaraadka ee dekedaha.

  • Caalamka

    21-01-2026

  • 11:04AM

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM