Jarmalka: Qabuur la'aan soo food-saartey Muslimiinta Berlin

Image
Daladda ay ku mideysan yihiin Muslimiinta magaala madaxda ayaa dalbatay xal degdeg ah.

BERLIN, Germany - Muslimiinta ku nool caasimada Jarmalka ee Berlin ayaa soo saartey qaylo-dhaan ku saabsan in aysan jirin dhul loogu talagalay qabuuro. Doodan waxay taagan tahay muddo tobanaan sano ah.

Dallada ay samaysteen Muslimiinta ayaa ka dalbaday xukuumadda Berlin inay xal deg deg ah u hesho dhibaatadan waxaana ay cod dheer ku dalbadeen in xalka la waafujiyo shareecada Islaamka.

Murat Gul, oo ah madaxweynaha Islamic Federation of Berlin, ayaa u sheegay wakaalada Anadolu in mas'uuliyiinta ay ku wargeliyeen in aysan heli doonin wax xabaal ah illaa dhamaadka bisha Maarso.

Xaalad noocaan oo kale ayuu tibaaxay in ay soo wajahadey sanadkii 2018-kii. Tani ayaa kaliftey in meydadka 20 qof Muslmiin ah lala sugo duugta illaa xilliga fasaxa ee sanadkii 2021-kii.

"Dhibaatada si ku meel gaar ah ayaa waqtigaas loo xaliyay maadaama aysan jirin wax boos ah oo ka banaan qabuuraha Gatow," ayuu Gul hadalkiisa sii raaciyey raaciyay.

Sida uu sheegay Gul, in ka badan 300,000 oo Muslimiin ah ayaa ku nool magaala madaxda waddankaas ee Berlin, waxaana tiradooda ay sare u sii kici doontaa sanadaha soo socda.

Jarmalka ayaa kamid ah wadamadda qaaradda Yurub ee ay ku nool yihiin Muslimiinta ugu badan taasoo ka dhalatay siyaasadda martigelinta qaxootiga hase ahaatee wali xuquuqdooda si dhameystiran uma helin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo 300 oo Heshiis La Gashay Afrika: Iskaashi Taariikhi ah oo Ka Dhashay Shirka TICAD9

Heshiisyadan ayaa diiradda saaraya dhinacyo muhiim ah oo horumarineed sida: kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka.

  • Caalamka

    24-08-2025

  • 05:05AM

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM