Jilaaga Tom Hanks iyo ciyaaryahano laga helay Coronavirus

Image
Image
Image

Jilaaga u dhashay Mareykanka ee Tom Hanks iyo xaaskiisa Rita Wilson ayaa laga helay Coronavirus, oo hay’adda WHO ay sheegtay inuu yahay musiibo heer caalami, oo saameeyay inta badan dalalka dunida.

Tom Hanks oo horey ugu guuleystay billadda “Oscar” ayaa xanuunkan ku dhacay isagoo ku sugan dalka Australia oo Film cusub uu ku jilayay, sida uu ku shaaciyay qoraal uu soo dhigay bartiisa Instagram.

Jilaaggan oo katirsan Shirkadda Hollywood-ka Mareykanka ayaa ku caanbaxay Film-kii “Captain Phillips’ oo laga sameeyay afduubkii burcad-badeeda Soomaaliya u geysteen 2009 markabka Maersk Alabama.

Tom Hanks iyo xaaskiisa Rita Wilson, oo labaduba 63 jir ah, aya alagu karantiiley Gold Coast University Hospital oo ku yaalla Queensland, Australia, waxayna dhaqaatiirtu sheegeen in xaaladiisa ay liidato.

Dalka Australia waxa xanuunka COVID-19 (coronavirus) ugu dhintay saddex qof, iyadoo ay qabaan 140 kale, iyadoo cudurkan dilaagga ah, uu saameyn ku yeeshay isku socodkii iyo ganacsigii caalamka.

Dhanka kale, naadiga kubadda cagta Talyaaniga ee Juventus ayaa shaaciyay shalay in ciyaaryahanka uga ciyaara dhinaca difaacca ee Daniele Rugani, uu ku dhacay COVID-19.

Boqolaal qof ayuu Coronavirus ku dilay waqooyiga dalka Talyaaniga, waxaana uu soo ritay 12,000 qof oo ay ku jiraan ciyaaryahano ka ciyaara Serie C.

NBA-da Mareykanka ayaa ku dhawaawday inay joojisay dhamaan wixii ciyaaro basketball ahaa kadib markii Coronavirus laga helay Utah Jazz, oo u ciyaara koox ka dhisay magaaladda Oklahoma.

Saameynta Coronavirus ayaa kusii kordhaysa caalamka, iyadoo uu dilay mudo 3 bilood ka yar in ka badan 3,500 oo qof, waxaana uu cudurka hoos u dhigay dhaqaalihii dunida, oo hadda kala go’ galay.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Lavrov: Mareykanka wuxuu u weeraray Iran iyo Venezuela si uu u xukumo tamarta adduunka

Wasiirka ayaa intaas ku daray in tallaabooyinka Mareykanka ee dalalka Iiraan iyo Venezuela ay si cad ugu xiran yihiin danaha tamarta.

  • Caalamka

    27-04-2026

  • 08:10AM

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo ka tagey Pakistan isaga oo aan la kulmin ergadii Mareykanka

“Wax walba annaga ayaa gacanta ku hayna. Way na soo wici karaan mar kasta oo ay doonaan,” ayuu raaciyay.

  • Caalamka

    25-04-2026

  • 05:35PM