Jimmy Carter: Madaxweynihii hore ee Mareykanka oo Isbitaal la dhigay

Image

WASHINGTON, US – Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Jimmy Carter, ayaa la dhigay Isbitaal ka dib markii uu Axadii dhulka ku dhacay isaga oo hoygiisa jooga taas oo keentay in uu ka jabo miskaha.

Gurigiisa ayaa ku yaala degaanka Plains oo hoostaga dowlad goboleedka Georgia ee dalkaas dhaca waqoyga Ameerika.

Afhayeen u hadlay xarunta caafimaad, Deanne Congileo, ayaa jabniinka ku sifeeysay mid yar. War-saxaafadeedkeeda ayay ku xustay in 95-jirkan xaalad fiican ku jiro kuna kaban doono hoygiisa.

Waa markii saddexaad oo Jimmy Carter uu bilooyin gudahood ku kufo. Kufitaankiisa koowaad oo xagaagii yimid waxay dhalisay in uu u baahdo qaliin bedelitaan dhanka dhabarka ah.

Carter ayaa mar kale dhacay bishan inkasta oo 14-jeer la tolay, uuna Nashville ee gobolka Tennessee kaga qeybgalay isu soo bax lagu taageeryay dhismaha guryo ay degaan dadka aan awoodin kirada.

Sikastaba, Carter mid kamid ah hogaamiyeyaashii soo maray Mareykanka ee noolaada da'da ugu badan. Xaaskiisa 91-sano jirka ah Rosalynn, waxay noqotay laaminihii ugu da'da weynaa ee la guursaday

George iyo Barbara Bush oo isku guursaday 73-sano ayay iskoorkaas kala wareegay ayna dhaafeen.

Siyaasiyiinta Mareykanka, taageereyaashiisa iyo saaxiibadii oo siyaabo kala duwan uga falceliyay Isbitaalka la dhigay iyo xaaladiisa caafimaad ayaa u rajeeyay Carter soo kabasho degdeg ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

“Aad ayaan uga niyad jabay,” ayuu yiri Trump kadib wada hadal telefoon oo uu la yeeshay Putin

Zelensky ayaa mar kale ku baaqay in la kordhiyo taageerada milatari ee ay siiyaan la-hawlgalayaasha Ukraine.

  • Caalamka

    04-07-2025

  • 11:18AM

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran: Waa ka fekeraynaa Wadahadallada Mareykanka

Araghchi ayaa sheegay in Iran aysan diyaar u ahayn inay si dhakhso ah u bilowdo wadahadallo cusub sida uu Trump.

  • Caalamka

    02-07-2025

  • 12:56PM