Sanduuqa Madow ee diyaaradda ku burburtay Iiraan oo la helay

Image

TEHRAN, Iran – Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dadka ku dhintay shil diyaaradeed ee Arbacada maanta ah ka dhacay dalka Iiraan.

Diyaaradda oo ay lahayd shirkadda duulimaadka Ukraine ayaa ka duushay Tehran waxayna ku sii jeeday magaalada caasimadda ah ee Kiev.

Saraakiisha caafimaadka maxaliga ah ayaa xaqiijiyey in dhamaan dadkii saarnaa diyaaradda oo gaarayey 180 ruux ay wadada dhinteen.

Mas'uuliyiin ayaa shaaciyey in dadka la socday diyaaradda ay isugu jireen 170 rakaab ah iyo tobban kamid ahaa shaqalaaha.

Shirkadda Duulimaadka Ukraine oo bayaan soo saartey ayaa soo bandhigtay jinsiyadaha ay u kala dhasheen rakaabka ku naf-waayey musiibada.

Hoos ka akhriso liiska

82 Iranians
63 Canadians
11 Ukrainians
4 Afghanistan
3 Germany
3 UK


Illaa iyo haatan si rasmi ah looma soo bandhigin sababta keentay burburka diyaaradda, balse warbaahinta ayaa ku sheegtay cilad matoorka ah.

Dhinaca kale, mas'uuliyiinta Iiraan ayaa sheegay in ay heleen sanduuqa madow ee diyaaradda, taasoo sahleysa in la ogaado sababta soo riday.

Sikastaba ha ahaatee, hadii aysan imaan shilal kale, dhacdadaan ayaa noqoneysa mid kamid ah kuwii ugu geerida badnaa ee sanadkan 2020.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo Mareykanka ugu baaqay inuusan Turkiga ka iibin diyaaradaha F-35

Turkiga wuxuu ka tirsanaa waddamada iskaashiga ku lahaa soo saarista diyaaradda F-35, wuxuuna qorsheynayay inuu iibsado in ka badan 100 diyaaradood.

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 08:43PM

Trump Oo Farageliyey: FIFA Oo U Fasaxday Cayaaryahan Horey Loo Siiyey Kaarka Cas

Go’aankan ayaa yimid kadib markii ilo xog-ogaal ah ay sheegeen in Madaxweynaha…

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 06:33AM