Joe Biden oo si adag u dhaleeceeyay Donald Trump

Image

WASHINGTON, USA - Donald Trump ma ahan in uu helo xogta dhanka sirdoonka ee sidda caadiga ah ay heli karaan madaxweynayaashii hore sababtoo ah hab-dhaqankiisa "qalafsan", sidda uu aaminsan yahay madaxweyne Joe Biden wareysi uu siiyay warbaahinta Mareykanka.

"Waxaan u maleynayaa kaliya inaan loo baahnayn inuu yeelo macluumaadka sirdoon," ayuu Madaxweyne Biden ku yiri wareysi uu siiyay CBS Evening News Jimcihii.

Wuxuu ku daray: “Maxay tahay qiimaha lagu siinayo warbixin sirdoon? Saameyn intee le'eg ayuu ku leeyahay dhammaan marka laga reebo xaqiiqda ah inuu ku turaanturoodo wax kasta oo uu yiraahdo".

Su'aallaha ku aadan in Trump uu ilaalin karo sirta Mareykanka ayaa taagan tan iyo markii uu xilka qabtey.

Trump ayaa kashifay macluumaad sir ah oo la xiriira khataro ka imaanaya maleyshiyadda ISIL (ISIS). Xogtaas waxaa la sheegay in uu u dusiyey wasiirka arimaha dibada ee Ruushka iyo safiirka Mareykanka kadib kulan ka dhacay Aqalka Cad ee 2017.

Hay'adaha sirdoonka Mareykanka ayaa ku qasbanaadey inay magaalada Moscow kasoo celiyaan basaas heer sare ah intii uu socday baaritaanka sheegshooyinka in Ruushka uu Trump ka caawiyey in uu Aqalka Cad galo. Baaritaanka waxaa sameeyay La Taliyaha Gaarka ah Robert Mueller.

Dhawaanahan, intii lagu guda jiray ololihii doorashada ee 2020, saraakiisha maamulka Trump waxay si beegsasho leh u shaaciyeen macluumaad sir ah si ay u weeraraan mucaaradkooda siyaasadeed.

Biden ayaa tibaaxay in Trump “uusan u qalmin” inuu madaxweyne noqdo, isaga oo wareysigii Jimcaha ee CBS ku qeexay Trump in uu leeyahay "dabeecad qalafsan oo la xiriirta kicinta kacdoonka," wuxuuna u muuqdey mid tixraacaya weerarkii 6-dii Janaayo ay ku qaadeen Capitol-ka Mareykanka taageerayaasha siyaasada Trump.

Markii Biden la waydiiyey in Trump mudan yahay in uu helo xogaha sirdoon ee xasaasiga ah, wuxuu ku jawaabay "Uma maleynayo". Wareysiga oo dhameystiran ayaa lagu wadaa in la sii daayo ka hor ciyaarta NFL ee Super Bowl ee kubada cagta oo ah Febraayo 7.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM