John Kerry oo Paris ku dhaawacmey

Image

May 31, 2015 (GO)- Xog-hayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa isbitaal loo qaaday kadib markii uu lug ka jabay.

Kerry ayaa ku dhaawacmey shil uu ku galay baaskiil isagoo ku sugan magaalada Paris ee xarunta dalka France.

Af-hayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa sheegay in xaaladda Jonh Kerry xilligan wanaagsan tahay islamarkaana lagu dabiibayo isbitaal ku yaalla magaalada Geneva.

Xog-hayaha Arrimaha Dibadda ee Mraykanka ayaa dalka Switzerland uga qayb geli lahaa shir looga hadlayo barnaamijka hubka nukliyeerka ee Iran.

Kerry oo ah ruug caddaa siyaasi ah islamarkaana muddo dheer kusoo jirey aqalka odayaasha Maraykanka, sanadkii 2004na u tartameymadaxtinimada, wuxuu xilliyada firaaqada aad u xiiseeyaa baaskiil wadista.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada ICE oo in ka badan 400 qof ku qabtay gobolka Minnesota

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota, oo ah tan ugu badan ee qowmiyad dibadda ka soo jeeda gudaha gobolka.

  • Caalamka

    15-12-2025

  • 11:26AM

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM