Johnson: Putin kuma duuleen Ukraine haddii uu haween ahaan lahaa

Image
Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska ayaa hadalkan sheegay kahor shir madaxeedka NATO ee Madrid.

MADRID, Spain - Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ma uusan soo duuleen dalka ay deriska yihiin ee Ukraine haddii uu haweeney ahaan lahaa, sidda uu ku andacoodey ra'iisul wasaaraha Ingiriiska, Boris Johnson.

Wasiirka koowaad ee UK ayaa sheegay in duulaankan "mandarada ah" uu yahay "tusaalaha saxda ah ee ragganimada sunta ah" wuxuuna ku baaqay "in haweenka loo dhiibo xilal badan".

Hadalka Mr Johnson ayaa kusoo beegmay ka hor kulanka gaashaanbuurta NATO oo xulafadiisa ah ay kaga wada hadli doonaan sidii looga jawaabi lahaa khataraha mustaqbalka.

Shir madaxeedka ka dhacaya magaala madaxda Spain ee Madrid ayaa lagu wadaa inuu ugu yeero xubnaha kale ee isbahaysiga difaaca si loo kordhiyo kharashka difaaca.

Kharashaadka difaaca ee UK ayaa la saadaalinayaa inuu gaaro 2.3% GDP sanadkan taas oo ka dhalatay maalgashiga warshadaha difaaca iyo £ 1.3bn ee taageerada militariga ee Ukraine, sidda ay balanqaadey London.

Dhowr waddan oo kale oo ka tirsan isbaheysiga ayaan gaarin 2% bartilmaameedkii sanadlaha ahaa ee NATO. Turkiga iyo Mareykanka ayaa lagu tiriyaa deeq-bixiyeyaasha ugu badan.

Talaadadii, Xoghayaha Difaaca boqortooyadda Ingiriiska, Ben Wallace, ayaa cod dheer kaga codsadey Mr Johnson inuu sii kordhiyo kharashka ku baxa ciidamada difaaca Britain iyadoo la eegayo khatarta ka imaanaysa Ruushka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo raalli-gelin ka bixisay khariidad khaldan oo Afrika ah

Khariidadda ayaa lagu soo bandhigay shirkii AIDS 2026, waxaana lagu muujiyay lix waddan…

  • Caalamka

    31-07-2026

  • 08:27AM

Sacuudiga oo Wada Qorshe Lagu Dhisayo Isbahaysi Caalami ah oo Lagu Ilaalinayo Maraakiibta Badda Cas

Tan iyo markaas, Xuutiyiintu waxay sheegeen inay weerarro ku qaadeen maraakiib Sacuudi ah oo marayay Badda Cas.

  • Caalamka

    31-07-2026

  • 08:35AM