Justin Trudeau oo karan-tiil galay markii looga shakiyey Coronavirus

Image

TORONTO, Canada - Ra'iisul Wasaaraha waddanka Canada, Justin Trudeau, ayaa karantiil u galay cabsida ku aaddan Caabuqa Corona awgeed, sida uu xafiiskiisa xaqiijiyay.

Xaaskiisa, Sophie Gregoire-Trudeau, ayaa galinkii dambe ee Arbacadii lagu arkay qaar ka mid ah calaamadaha cudurka, kaddib markii ay ka hadashay xaflad meher ah oo ka dhacday UK.

Waxaa lagu sameeyay baaritaan ku aaddan caabuqa, iyada iyo Ra'iisul Wasaarahana waxay isku soo xireen gurigooda, iyagoo sugaya ilaa inta ay natiijada baaritaanka kasoo baxeyso.

Mr Trudeau wali laguma arkin wax calaamado ah oo muujinaya xanuunka.

Dhakhtarkiisa ayaa kula taliyay inuu howl maalmeedkiisa iska wato laakiin uu si gaar ah ula socdo xaaladdiisa caafimaad.

Hase ahaatee si wax walba loo hubiyo, wuxuu kasoo shaqeynayaa gurigiisa, sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.

Mr Trudeau ayaa la qorsheynayay inuu ka qeyb galo kulamo labada maalmood ee soo socota ka dhici lahaa magaalada Ottawa.

Dhammaan shirarkaas oo uu Ra'iisul Wasaaraha kula kulmi lahaa madaxda gobollada ayaa hadda la baajiyay.

Mr Trudeau wuxuu hadda mas'uuliyiinta shirarkaas uu ku arki lahaa kula sheekeysan doona khadka telefoonka.

Mowduuca ugu weyn ee uu kala hadli doono waa sida ay Canada uga jawaabeyso go'aanka ay Hay'adda Caafimaadka Adduunka cudurkan ugu tilmaantay mid saf-mar ah.

BBC + GO

Related Articles

UK oo dib u soo celisay xiriirka diblomaasiyadeed ee Syria

Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Wadashaqeynta Caalamiga ah iyo Horumarinta ayaa sidoo kale ku dhawaaqday xirmo gargaar bini’aadantinimo.

  • Caalamka

    06-07-2025

  • 11:19AM

Iran: "Haddii Israel Markale Nasoo Weerarto, Xitaa Maraykanka Ma Badbaadin doono Netanyahu"

Hadalkan ayaa kusoo aadaya iyadoo xiisadaha u dhexeeya Israel iyo Iiraan ay sii kordhayaan, kadib markii dagaallo iyo weeraro isdhaafsi ah.

  • Caalamka

    06-07-2025

  • 05:44AM