​Kenya: 33 ruux oo ku dhintay Naivasha

Image

NAIROBI, Kenya- Booliiska dalka Kenya, ayaa xaqiijiyay dhimashada 33 ruux kadib markii xalay dab qabsaday Booyad wadday gaaska cuntada lagu karsado, taasoo shil ku gashay inta u dhaxaysa magaalooyinka Nairobi iyo Naivasha.

"In kabadan 30 ruux ayaa la xaqiijiyay in dhinteen, kabadan intaasna waxaa dhaawacmeen, kadib markii ay gubteen wax ka badan 11 gaari, kuwaasoo ku gubtay shil gaari oo ka dhacay wadada u dhaxaysa Nairobi-Naivasha," Sidaas waxaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Pius Masai oo madax u ah waaxda dalkaas u qaabilsan masiibooyinka.

Mid kamid ah baabuurta gubtay, wuxuu siday 14 qof oo shacab ah kuwaasoo dhammaantood ku geeriyooday masiibadaas.

Tarafikada dalka Kenya, ayaa ku warantay in shilka uu sababay darawalka gaariga kadib markii uu xadidi waayay Booyadda Gaas-ka waday oo kasoo dagaynaysan buur.

Warbaahinta Kenya qaar ayaa ku warantay in dhimashadu ka badantahay 50 qof.

Gaariga shilka galay ayaa la sheegay inuu shidaal u waday dalka Uganda, kahor intaysan masiibadu ku qabsan waddo mashquul badan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Japan oo 300 oo Heshiis La Gashay Afrika: Iskaashi Taariikhi ah oo Ka Dhashay Shirka TICAD9

Heshiisyadan ayaa diiradda saaraya dhinacyo muhiim ah oo horumarineed sida: kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka.

  • Caalamka

    24-08-2025

  • 05:05AM

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM