Kenya: dabley xalay weerartay isbitaalka degmada Wajeer

Image

December 23, 2014 (GO)- Hal askari ayaa lagu diley mid kalena waa lagu dhaawacay weerar xalay fiidkii ka dhacay bartamaha magaalada Wajeer ee xarunta gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Weerarka oo koox dabley ah oon haybtooda la aqoonsani fuliyeen, waxaa lala beegsaday askar boolis ah oo ilaalo ka ahaa isbitaalka guud ee degmada Wajeer.

Dableyda ayaa horay usii qaatey hubkii ay wateen askarta la weeraray oo iyagu ka tirsanaa ciidanka keydka booliska Kenya ee magacooda loosoo gaabiyo KPR.

Ciidamada ammaanka oo daqiiqado kadib soo gaarey goobta ayaa sameeyey baaritaan muddo kooban socdey inkastoo weli falkaas aan cidna loo soo qaban.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee dalka Kenya ka dhaca saddex maalmood kaib markii Madaxweyne Uhuru Kenyatta saxiixay sharciga la-dagaalanka argagixisada.

Ammaanka dalka Kenya ayaa soo xumaanayey laga soo bilaabo bishii October sannadkii 2011, markaas oo cutubyo ka tirsan militeriga Kenya usoo tallaabeen dhinaca Soomaaliya. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo joojiyey gargaar cunto oo nafbadbaadin u ahaa malaayiin carruur ah

Cilmibaareyaal caafimaad iyo ururo samafal ayaa uga digay Dowladda…

  • Caalamka

    18-04-2025

  • 06:35AM

Trump oo Xiraya 10 Safaaradood iyo 17 Qunsuliyad, si u dhimo Miisaaniyada Dibadda

Qunsuliyadaha la soo jeediyay in la xiro ayaa inta badan ku yaal Yurub, kuwaasoo ay ku jiraan goobo dalxiis oo ay jecel yihiin Mareykanka.

  • Caalamka

    16-04-2025

  • 09:31AM