Kenya: dabley xalay weerartay isbitaalka degmada Wajeer

Image

December 23, 2014 (GO)- Hal askari ayaa lagu diley mid kalena waa lagu dhaawacay weerar xalay fiidkii ka dhacay bartamaha magaalada Wajeer ee xarunta gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Weerarka oo koox dabley ah oon haybtooda la aqoonsani fuliyeen, waxaa lala beegsaday askar boolis ah oo ilaalo ka ahaa isbitaalka guud ee degmada Wajeer.

Dableyda ayaa horay usii qaatey hubkii ay wateen askarta la weeraray oo iyagu ka tirsanaa ciidanka keydka booliska Kenya ee magacooda loosoo gaabiyo KPR.

Ciidamada ammaanka oo daqiiqado kadib soo gaarey goobta ayaa sameeyey baaritaan muddo kooban socdey inkastoo weli falkaas aan cidna loo soo qaban.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee dalka Kenya ka dhaca saddex maalmood kaib markii Madaxweyne Uhuru Kenyatta saxiixay sharciga la-dagaalanka argagixisada.

Ammaanka dalka Kenya ayaa soo xumaanayey laga soo bilaabo bishii October sannadkii 2011, markaas oo cutubyo ka tirsan militeriga Kenya usoo tallaabeen dhinaca Soomaaliya. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan oo Dib u Dhigay Booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka illaa hadda kama hadlin wararka ku saabsan xanuunka Madaxweynaha, oo warbaahinta caalamka waa ka qoreen.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 08:04PM

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM