Kenya oo muddo kooban hakineysa duulimaadyada ka tegeya Somalia

Image

July 15, 2015 (GO)- Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay muddo kooban hakin doonto duulimaadyada diyaaradaha ee ka imaanaya dalka Soomaaliya.

Madaxa Waaxda Xiriirka ee Madaxtooyada Kenya Manoah Esipisu, ayaa sheegay in tallaabadan loo qaadey sababo la xiriira dhanka ammaanka, maadaama 25ta bishan July uu dalka Kenya booqasho ku imaan doono Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama.

Dowladda Kenya ma caddeyn xilliga sida rasmiga ah loo hakin doono duulimaadyada ka imaanaya Soomaaliya, balse af-hayeenka u hadlay Madaxtooyada kenya ayaa xusay in diyaaradaha Soomaaliya kasoo duulaya aan loo oggolaan doonin inay kasoo degaan garoommada Wilson Airport iyo Jomo Kenyatta International Airport.

Booqashada Obama oo qaadan doonta muddo labo maalmood ah waxay noqoneysaa tii ugu horreysey ee uu ku yimaado Kenya, laga soo bilaabo markii loo doortey Madaxweynaha Maraykanka sanadkii 2008.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan oo ka dalbatay Shiinaha Diyaaradaha Dagaal ee J-35 kadib dagaalkii India 

Inkastoo aysan weli jirin heshiis rasmi ah, haddana waxay u muuqataa in Shiinuhu diyaar u yahay inuu si toos ah u taageero Pakistan.

  • Caalamka

    10-06-2025

  • 06:33PM

Trump: Israa’iil Ma Heli Doonto Oggolaansho Inay Weerarto Iran “Waqti Dhow”

Madaxweyne Trump ayaa la sheegay in uu si cad ugu sheegay Netanyahu inuusan siin doonin Israa’iil oggolaansho.

  • Caalamka

    10-06-2025

  • 08:50AM