Kenya oo raaligelin ka dalbatay TV-ga CNN

Image

Dowladda Kenya ayaa waxa ay TV-ga dowladda Mareykanka ee CNN ka dalbatay in raaligelin uu ka bixiyo war ay sheegeen oo ahaa, in madaxweyne Obama uu booqanaayo “goob ay argagixiso ay ku xoog badan tahay”.

Obama ayaa la filayaa in habeenka Jimcaha uu soogaaro caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

Shacabka Kenya ayaa si caro leh wax uga qoray arrintaasi iyagoo adeegsanaya baraha bulshada sida Twitter ka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Amina Maxamed ayaa waxa ay BBC-da u sheegtay in halista amni darada ee Kenya aysan ahayn mid gaar ah.

Waxa ay tilmaamtay in booqashada madaxweyne Obama ay muujineyso in Kenya ay u furan tahay ganacsiga ayna tahay muraayadda rajada gobolka oo dhan.

XIGASHO:BBC

Related Articles

Ciidamada ICE oo in ka badan 400 qof ku qabtay gobolka Minnesota

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota, oo ah tan ugu badan ee qowmiyad dibadda ka soo jeeda gudaha gobolka.

  • Caalamka

    15-12-2025

  • 11:26AM

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM