Kenya: qarax ka dhacay baar iyo saldhigga booliska Wajeer oo la weeraray

Image

December 2, 2014 (GO)- Hal qof ayaa ku dhintay afar kalena way ku dhaawacmeen qarax xalay fiidkii ka dhacay baar lagu caweyo oo ku yaalla bartamaha magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Qaraxa ayaa ka dhashay bam gacmeed laga soo tuuray bannaanka hore ee baarka xilli ay tobanaan qof goobtaas ku caweynayeen.

Saraakiil ka tirsan Laan-qeyrta Cas ee Kenya ayaa warbaahinta u xaqiijiyey khasaaraha uu qaraxaasi geystey iyagoo intaas raaciyey in laga cabsi qabo tirada dhimashadu inay kororto maadaama dhaawacyada qaar xaaladoodu halis tahay.

Dhanka kale dabley hubeysan ayaa isla xalay weerar ku qaaday saldhigga booliska ee degmada Wajeer.

Is rasaaseyn muddo kooban socotey ayaa dhex martay ciidamadii saldhiggaas ku sugnaa iyo weliba kooxdii weerarka soo qaadey.

Dableyda uma suuro gelin inay xaruntaas gudaha u galaan kadib iska caabin xooggan oo ay booliska kala kulmeen.

Mas'uuliyadda labadaas weerar weli cidi ma sheegan haseyeeshee waxaa loo badinayaa inay ka dambeyso kooxda Al-shabaab ee fadhigeedu yahay dalka Soomaaliya.

Goor hore oo saaka ahayd weerar ka dhacay duleedka magaalada Mandera ee isla gobolka Waqooyi Bari Kenya waxaa lagu diley 36 qof oo ka shaqeynayey goob dhagaxa dhismaha loo adeegsado laga jebiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta uu isku-casilay Keir Starmer, Ra’iisul Wasaaraha Britain?

Sanadkii 2024, Starmer ayaa xisbigiisa Labour ku hoggaamiyay guushii ugu weynayd ee baarlamaanka tan iyo 1997.

  • Caalamka

    22-06-2026

  • 09:28AM

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM