Kenya: qaraxyo khasaare geystey oo xalay Mandhera ka dhacay

Image

July 7, 2015 (GO)- Ugu yaraan toban qof ayaa ku geeriyoodey labo qarax oo xalay saqdii dhexe ka dhacay degmada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Qaraxyada oo waxyar kala dambeeyey waxay ka dheceen xaafadda Suuqa Xoolaha, waxaana lala beegsaday qaar kamid ah shaqaalaha Kenyanka ee dhagaxa jebiya.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo sida weerarkaasi u dhacay, ilaa iyo haddana dowladda Kenya wax war ah kama soo saarin.

Sido kale ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, inkastoo horay kooxda Al-shabaab weerarro uga fulisey degmada Mandhera iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sagal Cabdi-Wali oo ku Guuleysatay Kursigii Baarlamaanka ee Keir Starmer

Sagal Cabdi-Wali ayaa si aqlabiyad leh uga guuleysatay hoggaamiyaha Xisbiga….

  • Caalamka

    09-10-2026

  • 05:45AM

Xuutiyiinta oo weeraray garoonka diyaaradaha ee Riyadh

Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay in duulimaadyada ku wajahnaa garoonka Riyadh ay leexdaan.

  • Caalamka

    08-10-2026

  • 11:46AM