Kerry: waan la hadlaynaa dowladda uu hoggaamiyo Bashar Al asad

Image

March 16, 2015 (GO)- Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay wadahadal la furi doonto Madaxweynaha Syria Bashar Al-asad, si dhibaatada dalkaas ka taagan muddada afarta sano ah xal siyaasadeed looga gaaro.

Xog-hayaha Arrimaha Dibadda Marayhanka John Kerry oo waraysi gaar ah siiyey telefishinka CBS ayaa sheegay inay qorsheynayaan sidii ay Asad ugala xaajoon lahaayeen in uu sameeyo isbeddel siyaasadeed islamarkaana si nabad ah xilka uga dego.

"ugu dambeynta waan inaan wadahadal la furnaa...waxan ku cadaadineynaa maamulka Asad inay miiska wada xaajoodka soo fariistaan si dhibaatada jirta xal siyaasadeed oo waara looga gaaro" Kerry ayaa sidaas yiri.

Maraykanka ayaa horay ugu ololeynayey in meesha laga saaro xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Bashaar Al-asad, lana soo dhiso dowlad cusub oo mucaaradka dhex dhexaadka ahi hoggaaminayaan.

Dadka siyaasadda Bariga Dhexe ka faallooda ayaa rumeysan in go'aankan cusub ee Maraykanku qaatey la xiriiro walaaca uu ka qabo awoodda sii kordheysa ee kooxda Daacsih (IS), taasoo xilligan ka talisa qaybo badan oo dalka Syria ka tirsan.

Agaasimaha Hay'adda Sirdoonka Maraykanka (CIA) John Brennan ayaa todobaadkan horraantiisii sheegay in haddii meesha laga saaro dowladda Syria ee Madaxweyne Asad hoggaamiyo ay taasi fursad siin doonto kooxaha argagixisada gaar ahaan ururka Daacish.

Dagaalka sokeeye ee ka soconaya dalka Syria, waxaa sida Qaramada Midoobey sheegtay laga soo bilaabo March 2011 ku geeriyoodey in ka badan 700 oo kun qof ku dhowaad toban milyan oo kalena way ku barakaceen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iiraan oo xirtay marin-biyoodka Hormuz, weerarna ku qaadey dalalka Khaliijka 

Iiraan oo sheegtay inay gantaallo iyo diyaarado ismiidaamin ah ku weerartay Jordan, Bahrain, Kuwait, Qatar iyo Cumaan.

  • Caalamka

    12-07-2026

  • 11:16AM

Taageerihii ugu weynaa ee Israel ee Senate-ka Mareykanka Lindsey Graham oo geeriyooday

Geerida Graham waxaa xaqiijiyay warbaahinno badan oo Mareykan ah, kuwaas oo soo xigtay bayaanka rasmiga ah ee xafiiskiisa.

  • Caalamka

    12-07-2026

  • 08:37AM