Khasaaraha ka dhashay dhulgariirkii Morocco oo kordhay

Image

MARRAKESH, Morocco - Dhulgariir xooggan oo dhif iyo naadir ah ayaa ku dhuftay Morocco, habeenkii Jimcaha ilaa Sabtidii, kaas oo ay ku dhinteen boqolaal qof, waxaana ku burburay dhismayaal ku kala yaala “tuulooyinka buuraha Atlas” ilaa magaalada taariikhiga ah ee Marrakesh.

632 qof ayaa ku dintay, halka 329 ay ku dhaawacmeen, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Morocco.

Waxayna wasaaraddu bayaan ay soo saartay ku sheegtay Sabtidii, "Ilaa todobadii subaxnimo, 632 dhimasho iyo 329 dhaawac ah ayaa la diiwaangeliyey, oo ay ka mid yihihiin 51 dhaawac halis ah."

Xudunta dhulgariirku waxay ku taallaa gobolka, “Al Haouz” ee koonfur-galbeed ee magaalada Marrakesh.

Telefishinada dalka Morocco ayaa sidoo kale soo bandhigay muuqaalo laga soo duubay dhulgariirka kadib, iyada oo qaar badan oo shacabka ka mid ah ay dibada isagu soo baxeen, iyaga oo ka cabsi qaba in dhulgariir kale dhaco.

Qoysas ka welwelsan qasaaraha la dhashay dhulgariirka ayaa lagu arkyay waddooyinka Magaalooyinka uu ka dhacay dhulgariirka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Obama oo difaacay Ilhan Omar xilli Trump doonayo in laga tarxiilo Mareykanka

Obama ayaa sheegay in baaritaanku u muuqdo isku day ay maamulka Madaxweyne Donald Trump ku doonayaan inay ku cabsi-geliyaan.

  • Caalamka

    19-10-2026

  • 02:08PM

Masar oo Sacuudiga u ballanqaadday taageero ka dhan ah weerarrada Xuutiyiinta

Masar ayaa horay ula safatay Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan, kuwaas oo si wadajir ah u cambaareeyey weerarrada Xuutiyiinta.

  • Caalamka

    19-10-2026

  • 11:18AM