Khilaafkii Sacuudiga iyo Imaaraadka oo sii qoto dheeraaday kaddib dagaallo ka dhacay Yemen

Image

DUBAI — Khilaaf sii xoogeysanaya oo u dhexeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa dib u qaabeynaya awoodda gobolka, kaddib dagaallo ka dhacay koonfurta Yemen iyo tallaabooyin ay Riyadh qaaday si ay uga hortagto saameynta sii kordheysa ee Abu Dhabi ee hareeraha Badda Cas iyo Geeska Afrika, sida uu qoray Washington Post.

Khilaafka ayaa cirka isku shareeray kaddib markii xoogag gooni-u-goosad ah ay la wareegeen dhul ku yaalla koonfurta Yemen, taasoo keentay in ciidamo taageersan Sacuudiga ay qaadaan hawlgallo degdeg ah oo ay ku kala direen hoggaanka kooxahaas, isla markaana dib u xoojiyaan gacanta dowladda ay Sacuudigu taageeraan.

Arrintan ayaa muujisay kala duwanaansho istiraatiiji ah oo muddo soo jiitamayay oo u dhexeeya labada dal ee Khaliijka, kuwaas oo hore uga wada shaqeyn jiray dagaalka Yemen iyo la dagaallanka fallaagada Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto.

Sacuudi Carabiya ayaa hadda kordhinaysa dadaallada ay ku xakameyneyso saameynta Imaaraadka ee gobolka, iyadoo xoojinaysa xiriirka ay la leedahay dalal ay ka mid yihiin Masar iyo Soomaaliya, kuwaas oo la sheegay inay dib u eegayaan ama yareynayaan heshiisyo amni oo ay la lahaayeen Abu Dhabi.

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in Riyadh ay ka walaacsan tahay ballaarinta saameynta Imaaraadka ee dekedaha, saldhigyada militari, iyo ganacsiga istiraatiijiga ah ee ku teedsan Badda Cas iyo Afrika.

Khilaafkan ayaa leh saameyn ballaaran oo ku saabsan iskaashiga amniga, xiriirka diblomaasiyadeed, iyo isbahaysiyada militari ee Bariga Dhexe iyo Afrika, iyadoo weli socdaan dadaallo lagu xakameynayo saameynta siyaasadeed ee ka dhalan karta kala aragti duwanaanshaha labada dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM