​Kiir iyo Machar oo Juba ku dagaallamay

Image

Dagaal xooggan ayaa ciidammo kala taabacsan madaxweyne Salva Kiir iyo ku xigeenkiisa Riek Machar ku dhexmaray caasimadda Juba ee South Sudan.

Ciidanka Machar ayaa sheegay in fariisimahooda ay kusoo weerarreen kuwa madaxwyne Kiir.

Dagaalka ayaa saaka xooggiisa ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ay ku leedahay caasimadda Juba iyo weliba agagaarka garoonka diyaaradaha.

Lama sheegin inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Qaramada Midoobay ayaa labada dhinac ku dhaliishay in aanay ilaalin heshiiska nabadda, ee lagu soo afjarayay colaadda sokeeye ee dalkaasi ka jirtay labadii sano ee lasoo dhaafay.

Heshiiska awgii ayaa tiro kooban oo ka tirsan xooggaga Mr Machar waxa ay ku laabteen Juba, walow aan weli lagu dhafin ciidanka dowladda.

Maraykanka ayaa muwaadiniintiisa ku sugan Juba ugu baaqay in taxadaraan, isla markaana aanay dibedda u bixin.

BBC

Related Articles

Ra'iisul Wasaaraha UK oo ka hadlay cadaadiska canshuuraha Trump iyo mowqifka Greenland

Starmer, oo ay garab taagnaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Yvette Cooper iyo Wasiirka Maaliyadda Rachel Reeves.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 09:36AM

Dowladda Suuriya oo xabbad-joojin la gaartay SDF kadib markii ay dib ula wareegtay inta badan gobollada

Heshiiska, oo ka kooban 14 qodob, kana soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Suuriya fiidkii…

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 06:39AM